Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Mareykanka iyo Masar oo isku raacay qodob muhiim ah oo ku saabsan Soomaaliya - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Mareykanka iyo Masar oo isku raacay qodob muhiim ah oo ku saabsan Soomaaliya


Qaahira (Adduun.com) — Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, iyo dhiggiisa dalka Masar, Badr Abdelatty, ayaa khadka taleefanka ku wada hadlay Khamiistii, iyagoo diiradda saaray arrimaha Soomaaliya iyo xaaladda amniga ee gobolka Geeska Afrika.

Sida lagu sheegay bayaanada rasmiga ah ee kasoo baxay labada dhinac, wadahadallada ayaa xoogga lagu saaray ilaalinta xasiloonida Geeska Afrika. Wasiir Abdelatty ayaa si weyn u adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhowro midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka Soomaaliya iyo Eritrea.

Sidoo kale, wasiirka ayaa mar kale ku celiyay mowqifka adag ee xukuumadda Qaahira ee ah in la gaashaanto aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland, oo ah maamul ku dhawaaqay inuu ka go’ay Soomaaliya sanadkii 1991-kii balse aan haysan aqoonsi caalami ah oo buuxa. Wuxuu aqoonsigaas ku sifeeyay mid si cad ugu xad-gudbaya shuruucda caalamiga ah, isla markaana halis toos ah ku ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa ka digay in tallaabooyin kasta oo loo qaado aqoonsiga Somaliland ay cawaaqib xumo weyn ku yeelan karaan xasiloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka Badda Cas, oo ah marin-biyood istaraatiiji ah oo aad muhiim ugu ah ganacsiga iyo amniga caalamka.

Dowladda Masar ayaa la filayaa inay toddobaadyada soo socda ciidamo u soo daabusho gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka noqon doona hawlgalka cusub ee dib-u-qaabeynta lagu sameeyay ee Midowga Afrika ee taageeraya ciidamada amniga Soomaaliya.

Xukuumadda Qaahira ayaa bilihii lasoo dhaafay si weyn u xoojisay iskaashiga dhanka amniga ee ay la leedahay Muqdisho, xilli ay gobolka Geeska Afrika ka jiraan isbeddello isbaheysi iyo tartan awoodeed oo sii kordhaya.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa dhankeeda sheegtay in Xoghaye Rubio uu Wasiir Abdelatty uga mahadceliyay kaalmada ay dowladda Masar ka geysatay fududeynta soo-daabulidda iyo badbaadinta muwaadiniinta Mareykanka ah ee si nabad ah ku sii marayay dhulka Masar intii ay socdeen rabshadihii ugu dambeeyay ee gobolka.

Wadahadalkan taleefanka ah ayaa kusoo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan duqeymaha Iiraan ay la beegsatay xarumaha milateri ee Mareykanka ee Khaliijka iyo weerarada ka dhanka ah Israa’iil.

Ugu dambeyn, Abdelatty ayaa mar kale xaqiijiyay in Masar ay si kulul u cambaareyneyso weerarada lagu qaaday dalalka Khaliijka, Urdun, Ciraaq, Turkiga iyo Asarbaijaan, isagoo hoosta ka xarriiqay in aan marnaba qiil loo heli karin xad-gudubyada ka dhanka ah madax-bannaanida dowladaha.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard