Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Mahad Salaad oo si cajiib ah u sagootiyay Aadan Maxamed Cumar oo dhawaan… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Mahad Salaad oo si cajiib ah u sagootiyay Aadan Maxamed Cumar oo dhawaan…


Muqdisho (Adduun.com) – Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa kulan sagootin ah u sameeyay Kaaliyihii hore Amniga ee hay’addaas, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar oo dhowaan loo magacaabay xil cusub.

Kulankan oo ka dhacay xarunta NISA ayaa lagu maamuusayay shaqadii iyo kaalintii uu Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar kasoo qaatay howlaha amniga iyo sirdoonka intii uu ka tirsanaa hay’adda.

Agaasime Mahad Maxamed Salaad ayaa munaasabaddaasi ku guddoonsiiyay Aadan billad sharafeed, taas oo lagu maamuusay dadaalkii iyo shaqadii uu kasoo qabtay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Mahad ayaa ku ammaanay Aadan sida uu uga soo dhalaalay waajibaadkii shaqo ee loo igmaday, isaga oo xusay in uu ka mid ahaa saraakiisha muhiimka ah ee door weyn ka qaatay sugidda amniga.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar u magacaabay Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka, kuwaas oo haatan lagu wado qorshe lagu dardargelinayo howlahooda.

Ciidankan gaarka ah ee uu hoggaamin doono ayaa la filayaa in ay door muhiim ah ka qaataan howlaha amni ee dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Hay’adda NISA ayaa Aadan ku tilmaantay shaqsi naf iyo waqti u huray howlaha hay’adda, isla markaana lagu yaqaanay karti, hufnaan iyo sida uu u gutay waajibaadka shaqo ee loo igmado.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard