Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka degay dalka… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka degay dalka…


Addis Ababa (Adduun.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa kala qeyb galaya Hoggaamiyeyaasha Afrika Meertada 39-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika, isagoo xoojinaya dadaallada diblumaasiyadeed ee ku aaddan difaaca midnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo la yeelan doonaa madaxda gobolka iyo kuwa Afrika ee shirka ka qeyb-galaya.

Madaxweynaha ayaa madaxda ku bogaadin doona, kuna adkaynaya mowqifka taariikhiga ah ee ay ka istaageen xadgudubka sharci darrada ah ee Israa’iil ay kula kacday midnimada Soomaaliya, ugana mahadcelinaya taageerida xubinnimada dalkeenna ee Golaha Ammaanka iyo Nabadda Afrika.

Socdaalka Xasan Sheekh ee Addis Ababa ayaa imanaya xilli Madaxda Dowadda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ay weli isku fahmi la’yihiin goobta uu ka dhacayaan wada-hadallada loo ballansan yahay, isla markaana ay socoto dhexdhexaadin beesha caalamka ka dhex wado labada dhinac.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in shirka uu ka dhaco Villa Soomaaliya, halka mucaaradka ay rabaan inuu ka qabsoomo gudaha Xalane, maadaama Villada ay walaac amni ka qabaan.

Si kastaba, madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa sheegay in aysan magaalada Muqdisho ka tagi doonin illaa heshiis buuxa laga gaaro arrimaha lagu muransan yahay, iyagoo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu si dhab ah u wajaho wada-hadallada loo ballansan yahay.

Madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale caddeeyay in dalka u baahan yahay badbaado iyo in heshiis laga gaaro hanaanka doorashada, xilli billo kooban ka harsan tahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard