Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan isugu yeeray labada Aqal + Ujeedka - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan isugu yeeray labada Aqal + Ujeedka


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah isugu yeeray xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka, kaas oo la qorsheeyay in caawa uu ka dhacayo magaalada Muqdisho.

Sida ay ogaatay Adduun.com, kulanka ayaa xilliga afurka ka qabsoomi doona xarunta madaxtooyada qaranka, iyada oo ujeedada lagu sheegay inuu madaxweynaha uga mahadcelinayo xildhibaanada iyo senatorrada kaalintii ay ku lahaayeen hannaanka dhammaystirka dastuurka oo muddo 14 sano ah laga shaqeynayay.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa xildhibaannada u jeedin doono khudbad uu uga hadlayo xaaladda guud ee dalka iyo ansixinta wax ka beddelka dastuurka kumeel gaarka ah, sida lagu sheegay farriin loo diray xubnaha labada Gole.

Shalay ayuu Baarlamaanka Soomaaliyeed cod aqlabiyad leh ku meel mariyay wax ka beddelka dastuurka dalka, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka taagneyd xiisad xooggan, waxaana weli diidan Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka.

Madaxweynaha oo xalay la hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ansixinta dhammaystirka dastuurka KMG ah, isaga oo boggaadiyay tallaabadan ay  xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka ku ansixiyeen dastuurka dalka, kuna tilmaamay mid taariikhi ah.

“Dhammaan dadka Soomaaliyeed maanta waa maalin taariikhi ah oo ku suntan dhameystirka dastuurka qaranka iyo gaba-gabeynta rasmiga ah ee marxaladdii KMG aheyd ee muddada dheer soo jiitamaysay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas ku sii daray: “Maanta waa maalin lagu xasuusan doono hanashada guul qaran oo muddo dheer la sugayay, taas oo naga saartay ku-meel-gaarnimadii, noona horseeday hanashada hanaan dowladnimo oo ku qotoma saldhig sharciyeed oo adag.”

Dastuurka ayuu sheegay madaxweynuhu inuu soo maray geeddi-socod dheer oo dib-u-eegis iyo wax ka beddel ah. “Tan iyo xornimadii 1960-kii, Soomaaliya waxay soo martay marxalado kala duwan oo ku saleysan dastuur iyo nidaam dowladeed.”

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag, waxaana taagan khilaaf ka dhashay doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka la ansixiyay.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard