Muqdisho (Adduun.com) — Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa duhurnimadii maanta ka dhoofay garoonka Muqdisho, isaga oo kusii jeeda dalka Jabuuti.
Xasan Sheekh ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalkaasi, Ismaaciil Cumar Geelle oo ay yeelan doonaan wada-hadallo xasaasi ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Labada madaxweyne ayaa ka wada-hadli doono arrimo ay kamid yihiin xiriirka labada dal ee dariska ah iyo xaaladda gobolka, maadaama ay soo kordheen caqabado waa wayn oo ka dhashay dagaalka haatan ka socda bariga dhexe.
Jabuuti ayaa ah dal walaal iyo daris la ah Soomaaliya, isla markaana abaal u galay dadka Soomaaliyeed, maadaama lagu soo yakleelay dowladnimada Soomaaliya oo haatan mareysa meel wanaagsan, kadib heerar kala duwan iyo marxalado adag oo lasoo maray.
Safarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu todobaadkii hore Madaxweynuhu ku tegay dalka Tanzania, isaga oo ka qayb-galay meertada 25-aad ee madaxda dalladda bulshada Bariga Afrika (EAC), oo lagu qabtay magaalada caasimada ah ee Arusha.
Si kastaba, safarradan ayaa kusoo aadaya xilli haatan Soomaaliya ay wajaheyso xaalad adag oo gudaha ah, taas oo ka dhalatay is-mariwaaga ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo xaaladaha ka dhashay abaaraha dalka.
Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa halka ay ku dambeyn doonTo xiisadda, maadaama madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku adkeysanayo go’aankiisa, mucaaradkana ay lasoo taagan yihiin diidmo adag.
