Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu Zakariye Yuusuf Xuseen u magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Qaranka.
Magacaabistan ayaa lagu shaaciyay wareegto kasoo baxday Madaxtooyada Soomaaliya, taas oo qayb ka ah isbeddellada maamulka ee lagu xoojinayo shaqada hay’adaha dowladda.
Villa Somalia ayaa sheegtay in tallaabadan ay ka mid tahay dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tayeynayso hufnaanta iyo waxqabadka hay’adaha dowladda.
Sidoo kale, madaxtooyadu waxay tilmaantay in magacaabistan ay qeyb ka tahay dhiirrigelinta ka qaybgalka dhallinyarada ee hoggaaminta iyo maamulka dowliga ah.
Mudane Zakariye Yuusuf ayaa horey u soo noqday Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu soo noqday Komiishinar ka tirsanaa Guddigii Xuduudaha iyo Federaalka, isagoo ku takhasusay arrimaha siyaasadda, horumarinta iyo xiriirka caalamiga ah.
Dhanka kale, Agaasime Ku-xigeenkii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan ayaa dhawaan loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Maxamed Amiin ayaa maalin ka hor u gudbiyay nuqulka waraaqaha aqoonsiga safiirnimo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, taas oo u oggolaanaysa inuu si rasmi ah u bilaabo xilkiisa diblomaasiyadeed.
SIRDOON & QISO
Qisada Ninkii Siliga ku dilay Xaaskiisa | Qisadeena Labaad
SIRDOON & QISO
Basaasadii Cuuryaanka aheyd | Virginia Hall |
SIRDOON & QISO
Basaasadii Masar ku beertay ciidanka ISR |
SIRDOON & QISO
Shabakadii BASAAS ee Kalkaalisada ka aheyd ka GAZA |
