Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Madaxweyne Xasan oo maanta bixiyay abaalmarinno lacageed - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Madaxweyne Xasan oo maanta bixiyay abaalmarinno lacageed


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, ayaa ardaydii kaalimaha hore ka gashay tartanka sannadkan guddoonsiiyay 62,000 dollar oo abaalmarinno lacageed.

Munaasabadda xiritaanka tartanka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qayb-galay masuuliyiin ka tirsan dowladda, culimo, waalidiin iyo marti sharaf kale, kuwaas oo dhammaantood bogaadiyey ardayda ku guuleysatay tartanka iyo dadaalkooda ku aaddan barashada Quraanka Kariimka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyey dhammaan ardaydii ka qayb-gashay tartanka, gaar ahaan kuwii ku guuleystay kaalmaha hore. Waxa uu sheegay in ardaydan ay laf-dhabar u yihiin mustaqbalka wanaagsan ee dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dadaalka ay ardaydu geliyeen barashada, xifdinta iyo faafinta Quraanka Kariimka ah, isaga oo xusay in Quraanku yahay iftiinka hagaya bulshada iyo saldhigga akhlaaqda iyo wanaagga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay door muuqda ka siisay culimada Soomaaliyeed geeddi-socodkii dib u eegista Dastuurka dalka, si loo xaqiijiyo in dastuurku si buuxda ula jaanqaadayo shareecada Islaamka.

Waxa uu sheegay in shareecada Islaamku ay tahay aas-aaska ugu weyn ee uu ku dhisan yahay nidaamka dowladeed ee dalka, islamarkaana dowladdu ay ka go’an tahay ilaalinta iyo xoojinta qiyamka diinta Islaamka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa abaalmarinno lacageed guddoonsiiyey xufaadda kaalimaha hore galay tartanka, isaga oo ku ammaanay waalidiinta iyo macallimiinta barbaariyey ardaydan, kana baryey Alle in uu ku anfaco, fahamkooda barakeeyo, kana yeelo kuwo dalkooda iyo diintooda u adeega.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard