Baydhabo (Adduun.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa la kulmay halis amni, kadib markii hoobiyeyaal ay ku soo dhaceen nawaaxiga garoonka diyaaradaha.
Hoobiyeyaasha la soo tuuray oo laba ahaa ayaa mid ka mid ah wuxuu ku dhacay meel u dhow halka ay taagnayd diyaaradda sidday madaxweynaha, xilli ay diyaaradda caga dhiganeysay, sida ay Adduun.com u sheegeen xubno goobjoog ahaa oo ku sugnaa goobta soo dhoweynta.
Hoobiyaha labaad ayaa isna ku soo dhacay xilli uu madaxweynuhu salaan sharaf ka qaadanayay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gudaha garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud.
Wararka ayaa intaas ku daraya in hoobiyaha koowaad uu ku dhacay meel aan ka fogeyn diyaaradda, masaafo lagu qiyaasay ku dhowaad 200 mitir, balse uusan geysan wax khasaare ah.
Madaxweynaha ayaa si caadi ah u qaatay salaan sharafka ciidamada, kadibna si nabad ah ayaa isaga iyo wafdigiisa loogu galbiyay Madaxtooyada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo ammaanka si weyn loo adkeeyay.
Illaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka hoobiyeyaasha ah ee lagu qaaday garoonka Baydhabo, hase yeeshee weerarro noocan oo kale ah ayaa horey dhowr jeer uga dhacay garoonka, kuwaas oo inta badan loo aaneeyo kooxda Al-Shabaab.
Si kastaba, tagista Madaxweynaha ee magaalada Baydhabo ayaa imanaysa maalmo un kadib markii ciidamada xoogga dalka ay howlgal milatari ku galeen caasimadda KMG ah ee maamul-goboleedka Koonfur Galbeed.
