Muqdisho (Adduun.com) – Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo qayb ka ahaa shirarkii ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa goor dhow gaaray Hotel Airport oo ay degan yihiin hoggaamiyeyaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland, halkaas oo ay kula shireen xubnaha Golaha Mustaqbalka.
Wararka ayaa sheegaya in labada mas’uul uu ergo ahaan u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna bilaabeen inay u kala dab-qaadaan xubnaha Golaha Mustaqbalka iyo madaxweynaha, kadib markii ay isku fahmi waayeen shirarkii ka dhacay Villa Somalia oo kusoo dhamaaday natiijo la’aan.
Sida ay ogaatay Adduun.com, ujeedka ugu wayn ee loo diray Wasiir Faarax iyo Sanbaloolshe ayaa ahaa inay baajiyaan in war-murtiyeed ka dambeys ah soo saaraan golaha, kaas oo ay ku sheegayaan in wada-hadalladii ay ka socon waayeen dhanka Villa Soomaaliya, waxayna ku guuleysteen arrintaas iyaga oo xubnaha Golaha Mustaqbalka ku qanciyay in ay dib u dhigaan war-saxaafadeedka.
Sidoo kale, wararka ayaa intaasi kusii daraya in xalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la xiriiray xubno ka tirsan mucaaradka, isaga oo ka codsaday in fursad ay siiyaan, wuxuuna u sheegay in ay sii socon doonaan wada-hadallada labada dhinac.
Barta ugu weyn ee is-mari-waaga dhaliyay ayaa ah nooca hannaan doorasho ee dalka lagu hagi doono. Dowladda Federaalka ayaa si xooggan u riixaysa in meesha laga saaro nidaamka doorashada dadban ee ku dhisan hab-qaybsiga qabiilka, kaas oo dalka soo hagayay tobannaankii sano ee la soo dhaafay.
Taa beddelkeeda, dowladda ayaa doonaysa in loo guuro nidaamka “qof iyo cod”, iyadoo ku doodayso in tallaabadani ay tahay dhabaha kaliya ee looga gudbi karo nidaamka beelaha, loona jiheysan karo dimoqraadiyad toos ah.
Hasa yeeshee, isbaheysiga mucaaradka ayaa si degdeg ah u diiday qorshahaas. Xubnaha naqdinaya dowladda ayaa ku doodaya in isbeddeladan ay halis weyn ku yihiin nidaamka jilicsan ee awood-qaybsiga federaalka, isla markaana ay u xagal-kicin karaan awood isku-koobid.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana weli la’isku fahmi la’yahay hanaanka loo wajahayo doorashooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka KMG ka ah.
