Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Madaxweynaha Israa’iil oo ka dagay dal ay daris la ah Soomaaliya - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Madaxweynaha Israa’iil oo ka dagay dal ay daris la ah Soomaaliya


Addis Ababa (Adduun.com) – Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa saaka ah ka dagay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Herzog ayaa markii uu ka degay garoonka diyaaradaha ee Bole International Airport, waxaa uga hortegay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos iyo wasiiru-dowlaha, Danjire Berhanu Tsegaye.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedyo ay soo saareen labada dhinac, waa booqasho rasmi ah oo uu madaxweynaha Israa’iil ku tegay Itoobiya.

Sidoo kale, inta uu madaxweynaha Israa’iil joogo Addis Ababa wuxuu wada-hadallo la yeelan doono madax sare oo ka tirsan xukuumadda, kuwaas oo la xirriira arrimaha xoojinta xiriirka labada dal, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya.

Booqashadan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xiisad laga dareemay gobolka oo ka dhalatay aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland.

Israa’iil ayaa weli sii wadda xadgudubka madax banaanida Soomaaliya, waxayna weli sii waddaa fulinta heshiiska ay la gashay xukuumadda Hargeysa, iyada la filayo in madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro) uu dhammaadka bisha Maarso safarkiisii ugu horreeyay ee rasmi ah ku tago dalka Israa’iil, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrimahan, oo la hadlay wargeyska Jerusalem Post.

Inkastoo tani ay noqonayso booqashadiisii ugu horreysay ee rasmi ah, haddana ma ahan markii ugu horreysay ee Madaxweyne Cirro uu tago Israa’iil.  Cirro ayaa horey socdaal qarsoodi ah ugu tagay Israa’iil intii ay socdeen wada-hadalladii dublamaasiyadeed ee hor-u-dhaca u ahaa go’aankii ay Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland bishii Diseembar ee sanadkii 2025-kii.

Si kastaba, Xukuumadda Hargeysa, oo hadda haysata aqoonsiga Israa’iil oo kaliya, ayaa doonaysa inay xiriirkaas sii xoojiso, kana dhigto mid wax-tar u leh horumarinta gudaha. Saraakiisha Somaliland ayaa daneynaya inay Israa’iil kala kaashadaan dhinacyada teknoolajiyadda, beeraha, iyo hal-abuurka casriga ah, maadaama Israa’iil loo arko dalalka ugu horreeya caalamka ee dhinacyadaas.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard