Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Madaxda DF iyo beesha caalamka oo yeelanaya kulan deg-deg ah oo xasaasi ah - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Madaxda DF iyo beesha caalamka oo yeelanaya kulan deg-deg ah oo xasaasi ah


Muqdisho (Adduun.com) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa warqad ay u dirtay wakiillada beesha caalamka, casuumaad ugu fidisay dhammaan diblomaasiyiinta iyo ururrada caalamiga ee dalka ku sugan, si ay uga qeyb-galaan kulan warbixineed oo ka dhici doona xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Kulankan oo la qorsheeyay inuu qabsoomo maalinta berri ah, ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u furmo saacaddu marka ay tahay 11:00 barqannimo, iyadoo ay kasoo qeyb-geli doonaan wakiillo ka socda safaaradaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in shirkan uu yahay mid ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku doonayso inay warbixin guud ku siiso beesha caalamka, gaar ahaan xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee dalka, xilli ay taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee maamul-goboleedka Koonfur Galbeed.

Warqadda casuumaadda ah ee ay dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu xusay in kulankan uu yahay mid muhiim ah, isla markaana laga sugayo dhammaan ergada caalamka inay soo wakiilaan mas’uuliyiin ka qeyb-gasha, si ay u dhageystaan warbixinta dowladda iyo qorshayaasha ay waddo.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ergada diblomaasiyadeed ka codsatay inay si deg-deg ah u soo xaqiijiyaan ka qeyb-galkooda, si loo fududeeyo diyaarinta kulanka iyo hab-maamuuska la xiriira martigelinta shirkan.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa tilmaamaya in kulankan looga hadli doono arrimo xasaasi ah oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka, khilaafaadka haatan jira, arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda amni ee guud ahaan Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay meel adag mareyso xiisadda maamulka Koonfur Galbeed, ayna wakiilada beesha caalamka wadaan dadaallo lagu dajinayo xiisadda, si looga baaqsado dagaal ka dhaca Baydhabo.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard