Tehraan (Adduun.com) – Macluumaadka isa soo taraya ee laga helayo weerarka culus ee maanta lagu qaaday Iiraan ayaa sheegaya inuu sii kordhayo khasaaraha gaaray Tehraan, waxaana lasoo warinayaa in la la’yahay madax sare oo ka tirsan dowladda, kuwaas oo loo badinayo in ay dhinteen.
Wakaaladda Warar ee Reuters ayaa goordhow tebisay in la la’yahay, Wasiirkii Difaaca Iiraan Amir Nasrasadah iyo Taliyihii Ilaalada Kacaanka, Maxamed Pakpour, iyada oo la rumaysan yahay in dagaalka ay ku geeriyoodeen.
Dhanka kale, Iiraan illaa iyo hadda ma sheegin war rasmi ah oo ku saabsan labada mas’uul ee ka midka ah madaxda dalkaasi.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabbaas Araghchi oo goordhow la hadlay NBC News ayaa dhinaca kale xaqiijiyay inuu noolyahay hoggaamiyaha ruuxiga ee Iiraan Ayatollah Cali Khamenei iyo madaxweyne Masoud Pezeshkian.
“Ayatollah Cali Khamenei iyo madaxweyne Masoud Pezeshkian way nool yihiin, inta aan ogahay. Dhammaan mas’uuliyiinta sare way nool yihiin, wax walbana waa hagaagsan yihiin.” ayuu yiri Wasiirku.
Goor sii horreysay Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in duqeynmaha ay ka fuliyeen Tehraan ay laa beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen saraakiil sar sare oo dhanka siyaasadda iyo amniga ah, uuna jiro khasaara ba’an oo gaaray Iiraan.
Sidoo kale, ciidamada Israa’iil ayaa hadda qiimeynaya natiijada weerarka, maadaama uu qaatay saacado badan lana beegsaday xarumo muhiim ah.
Si kastaba ha’ahaatee, xogta dhabta ah ayaa waxaa la ogaan karaa marka dagaalku dhammaado, ama dhinacyadu qirtaan, waxaana weli sii soconaya duqeymaha labada dhinac, iyada oo dagaalkana uu kusii fiday dalal gobolka.
