Baydhaba (Adduun.com) – Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa saq-dhexe oo xalay ah shaaciyay liiska xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka saddexaad ee maamulkaasi.
Guddiga ayaa sheegay in xubnaha cusub oo gaaraya 95 mudane ay soo xuleen odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed, isla markaana ay buuxiyeen dhammaan shuruudaha dastuuriga ee kamid noqoshada Baarlamaanka.
Sidoo kale, waxaa warqadda lagu caddeeyay magacyada xildhibaannada iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan ee ku dhaqan Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xildhibaannada cusub oo isla maanta la dhaarin doono ayaa kulankooda ugu horreeya isaga dhex dooran doono qofka ugu da’da wayn si uu u noqdo shir guddoonka kumeel-gaarka ah ilaa inta ay ka dooranayaan guddoon kooda.
Waxaa sidoo kale uu qorshuhu yahay in maalinta berri ah 29-ka Maarso uu guddiga qabto araajida musharraxiinta guddoonka golaha, iyadoo kadib ay dhici doonto doorashada guddoonka Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, waxaana kusii xigta doorashada madaxweynaha cusub, sida lagu sheegay go’aan horay uga soo baxay guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa saddex maalmood ka hor soo magacaabay guddigan oo durba howl-galay, kaas oo ka kooban 9 xubnood, iyadoo guddoomiye looga dhigay Shuceyb Nuur Xuseen.
Ujeedada dhismaha guddigan ayaa sidoo kale ah inuu ka shaqeeyo doorashada madaxweynaha maamulka, oo uu haatan muran ka taagan yahay, iskuna hayaan maamulka Lafta-gareen iyo mucaaradka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya dowladda dhexe.
Arrimahan ayaa sii hurinaya xiisadda labada dhinac oo isku rogtay gacan ka hadal, waxaana hadda ay u muuqataa in Lafta-gareen u bareeray inuu doorasho iskiis ah ku qabsado Baydhabo, isagoo qaaday waddadii Axmed Madoobe oo horay doorasho gaar ah ugu qabsaday Kismaayo.
Si kastaba ha’ahaatee xaaladda ayaa haatan faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta.

