Baydhaba (Adduun.com) – Madaxweynaha dib loo doortay ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo khudbad ka jeediyay hoolka doorashada ayaa u jawaabay madaxweyne Xasan Sheekh oo saaka weerar afka ah ku qaaday, isla markaana sheegay in Lafta-gareen uu ka hayo caddeyn iyo saxiix ku aadan ogolaanshaha doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya.
“Nin heshiis doorasho nala galay oo aan cadeymo ka heyno ayaa hadda diidaayo warkeenna oo dhahaayo doorasho dadban ayaan rabnaa, adeer waa laga yimi laguna laaban maayo wax kasta oo la aqriyo. Doorasho dadban waqtigeedii waa dhamaaday, doorasho qof iyo cod ah ayaa la aadayaa, waana ku heshiinay dowlad goboleedyada, cid laga yeelayo wax kale majirto,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Intaas kadib waxaa soo jawaabay Cabdicasiis Lafta-gareen oo maanta doorasho deg-deg ah ku qabsaday Baydhaba, dibna loogu doortay kadi markii uu helay 66 cod, sida uu shaaciyay guddiga doorashada Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sidoo kale sheegay in si juujuub iyo xooga ay ahayd sheekadu, isla markaana la qasbay, sida uu hadalka u dhigay.
“Mudadii aan la joogay Xasan Sheekh bistoolad ayaa leysku haayay waa leys qasbaaye, ama waan ku dilayaa ama waad ila dileysaa ayey sheekadu ahayd” ayuu ku jawaabay madaxweynaha dib loo doortay ee Koonfur Galbeed.
Waxaa kale oo uu tilmaamay in lacagta uu sheegay madaxweyne Xasan inay uga baxday doorasho qof iyo cod ah ay diyaar u yihiin inay iska bixiyaan, balse aysan dooneyn dagaal iyo in dad la dilo.
“Madaxweynow 70 jir ayaa tahay ee lacag ayaan bixiyay dad Soomaaliyeed ha u laynin anagana hanoo dilin, haddii aad lacag darteed noo dileyso lacagta inta ay ahayd noo sheeg Soomaali baa naga bixineysa” ayuu raaciyay Lafta-gareen.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay cirka isku sii shareereertay xiisadda Muqdisho iyo Baydhaba, waxaana weli dowladda dhexe ay dhaq-dhaqaaq ciidan ka wadaa qaybo badan oo kamid ah gobollada Baay iyo Bakool
