Baydhaba (Adduun.com) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa goordhow dib loogu doortay xilka madaxweynaha maamulkaas, kadib doorasho deg-deg ahayd oo maanta ka dhacday gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka saddexaad ee Koonfur Galbeed oo xalay la shaaciyay liiskooda ayaa mar kale dib u doortay Lafta-gareen, waxaana la tartamay Cabdulaahi Xaaji Xasan oo ahaa malxiis uu keensaday.
Guddiga doorashada oo shaaciyay natiijada ayaa sheegay in Cabdicasiis Lafta-gareen uu helay 66 cod, sidaasna uu ku noqonayo mar kale madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale Xildhibaannada cusub ee Koonfur Galbeed ayaa goor siihorreysay oo maanta ah guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka saddexaad ee Koonfur Galbeed dib ugu doortay Cali Siciid Fiqi, sida ay shaacisay warbaahinta ku hadasha afka maamulka Lafta-gareen.
Shamsa Maxamed Yarow ayaa iyana loo doortay guddoomiye ku xigeenka labaada, kadib markii ay ka guuleysatay Jamaala Axmed Xuseen, sida uu sheegay guddoonka doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed.
Arrimahan ayaa imaanaya, iyadoo mucaaradka Koonfur Galbeed iyo dowladda dhexe ay diidan yihiin doorashadan, kuwaas oo haatan dhaq-dhaqaaq culus ka wada degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Badbaada Koonfur Galbeed ayaa hadda lasoo warinayaa in qaarkood ay kasoo dhaqaaqeen magaaladaas, iyaga oo kusoo jeeda aagga Baydhaba, si ay u uga hortegaan qorshaha Lafta-gareen.
