Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support La-taliyihii Siciid Deni ee lagu xiray Muqdisho oo dib ugu laabtay Garoowe – Sidee? - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

La-taliyihii Siciid Deni ee lagu xiray Muqdisho oo dib ugu laabtay Garoowe – Sidee?


Garoowe (Adduun Onlien) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii deysay la-taliye sare oo ka tirsan madaxtooyada maamul-goboleedka Puntland, kaas oo maalmo ka hor ay boolisku ku xireen magaalada Muqdisho.

Axmed Cabdi Maxamuud Hurre, oo ah la-taliyaha madaxweynaha Puntland ee dhanka arrimaha bulshada ayaa taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed dhawaan ku eedeeyay falal carqaladeynaya amniga.

La-taliyaha ayaa shalay ka degay magaalada Garoowe, halkaasi oo ay gaareen xildhibaannada kasoo jeeda Puntland ee ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib maalmo ay ku xayirnaayeen xayndaabka garoonka Muqdisho.

La-taliye Axmed oo warbaahinta si kooban ula hadlay markii uu gaaray Garoowe ayaa sheegay inuu xarigiisu ahaa afduub sharci darro ah.

“Aniga wixii la igu xiray la ima sheegin, koley Ilaahay waa iga soo daayay. Waa la i afduubtay ee la ima xirin, afduubkaasna waa kasoo baxay. Hadda waxan ma rabo in faah-faahintooda ka hadlo ma rabo, ayuu yiri La-taliyaha sare ee Madaxweyne Siciid Deni.

Waxa uu intaas kusii daray “Reer Xamar waa isku baahanahay, ciladda jirta waa Xasan Sheekh iyo rajiimkaas, laakiin dadka reer Muqdisho waa dad wanaagsan oo na jecel oo jecelnahay, isagana (Xasan) waa ka dulqaadeyna.”

Xariga mas’uulkan ayaa markii hore dhalisay caro xooggan iyo cambaareyn kasoo yeertay maamulka Puntland, kuwaas oo tallaabadaas ku tilmaamay “afduub” sharci-darro ah oo dhacay xilli habeen ah.

Maamulka Puntland ayaa markaas ciidamada federaalka ku eedeysay inay gacan-qaad iyo jirdil u geysteen xildhibaanno ka kala tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo deganaa hoteelkaas, kadibna ay si xoog ah ku kaxeysteen Mudane Hurre.

“Falkan waa mid ugub ku ah Dowladdnimada, iyadoo aan sifo sharci ah loo soo marin oo uusan jirin wax danbi ah oo ay geysteen waxaa hotel AirPort loogu daatay Xildhibaannada iyo Senatarada Puntland, waxaa halkaasi ka dhacay jirdil iyo afduub,” ayuu maamulka Puntland ku yiri bayaan uu soo saaray.

Dowladda Federaalka oo Arbacadii ku guuleysatay qorshaheeda dhameystirka dastuurka ayaa dhawaan is hortaagtay in xildhibaannada kasoo jeeda Puntland ay tegaan Garoowe, iyadoo markaas mamnuucday in xildhibaannada Baarlamaanka ay ka baxaan magaalada Muqdisho.

Haatan, go’aankaas ayaa meesha laga saaray, kadib markii Villa Soomaaliya ay soo xirtay malafka dastuurka, oo ah kan uu muranka ugu xooggan ka taagan yahay.

Si kastaba, dhameystirka dastuurka ayaa weli wajahaya khilaaf hor leh, iyadoo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu si adag u diiday wax-ka-beddelka dastuurka ee shalay uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Golaha ayaa sheegay in go’aanka kasoo yeeray guddoonka baarlamaanka, kadib codeyn la sheegay in loo qaaday dhameystirka dastuurka, lagu fuliyay hannaan si cad u jebinaya habraacyada dastuuriga ah, xeer-hoosaadyada Baarlamaanka iyo shuruudda aqlabiyadda laba-meeloodka.

“Dastuur lagu beddelo cadaadis, laaluush iyo habraac ka leexsan sharciga ma noqon karo dastuur qaran oo mideeya ummadda Soomaaliyeed, mana yeelan karo sharciyad siyaasadeed oo lagu dhisi karo dowladnimo saldhigata,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Golaha Mustaqbalka.

Golaha Mustaqbalka ayaa caddeeyay inuu aqoonsan yahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee 2012, kaas oo ah heshiiska qaran ee saldhigga u ah midnimada dalka, federaalka, awood-qaybsiga, nidaamka baarlamaaniga ah iyo doorashooyinka afarta sano mar.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dowlad-goboleedyada, saamilayda siyaasadda iyo hoggaanka Baarlamaanka inay difaacaan nidaamka dastuuriga ah iyo sharciga dalka.

Sidoo kale, beesha caalamka ayay ka dalbadeen inay si cad oo fagaare ah u muujiyaan mowqifkooda ah in wax-ka-beddel kasta oo dastuurka lagu sameeyo uu noqdo mid sharci ah, loo dhan yahay, hufan, kuna dhisan heshiis qaran.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard