Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Kulan madaxda Golaha Mustaqbalka caawa ku lahaayeen Xalane oo baaqday + Sababta - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Kulan madaxda Golaha Mustaqbalka caawa ku lahaayeen Xalane oo baaqday + Sababta


Muqdisho (Adduun.com) – Waxaa caawa mar kale baaqday kulan ay madaxda Golaha Mustaqbalka ku lahaayeen gudaha Xalane, halkaas oo ay deggan yihiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Sida ay ogaatay Adduun.com, kulanka caawa ayaa baaqday kadib markii dowladda adkaysay hanaanka gelitaanka xayndaabka garoonka ee gudaha Xalane.

Xalay ayay ahayd markii Xalane laga celiyay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka.

Xubnaha Shariif la socday, oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble iyo Xildhibaan Cabdullaahi Carab, ayaa shir la lahaa caawa madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo deggan hoteel ku yaalla gudaha Xalane.

Dhankeeda, Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa si degdeg ah isaga fogeysay eedeynta ah in madaxdaas la hor istaagay, iyadoo sheegtay inay diideen u hoggaansanaanta habraaca amniga Garoonka Aadan Cadde.

Wasaaradda ayaa caddeysay in “habraacaasi uu dhigayo in wixii ka dambeeya 5:00 galabnimo laga soo galo albaabka Mariina Gate, isla markaana aan loo oggolayn in ciidan hubeysan lala galo gudaha garoonka.”

Wasaaradda ayaa ku eedeysay madaxda mucaaradka inay jebiyeen nidaamkaas: “Waxaa dhacday in qaar ka mid ah mas’uuliyiintii hore ee dalka ay ku xadgudbeen nidaamkaas, iyagoo gudaha garoonka la galay ciidamo aad u tiro badan, isla markaana isticmaalay albaab aan ahayn midka loo asteeyay.”

Wasaaradda ayaa carrabka ku adkeysay in tallaabadaasi ay “halis ku tahay amniga iyo badqabka garoonka,” waxayna ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan sharciga, iyadoo sheegtay in “aanay jirin mas’uuliyiin hore oo loo diiday inay galaan garoonka, balse ay jireen kuwo diiday inay u hoggaansamaan habraaca amniga.”

Si loo dejiyo xiisaddaas, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamza Cabdi Barre ayaa xalay qaaday tallaabo diblomaasiyadeed oo culus, isagoo booqashooyin isdaba-joog ah ku tegay hoyga madaxda ugu miisaanka culus mucaaradka.

Xamza ayaa ugu horeyn hoygiisa ku booqday Ra’iisul Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble, kadibna wuxuu u gudbay hoyga Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, halkaas oo uu sidoo kale ku sugnaa Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka.

Si kastaba, lama oga sida mucaaradka uga jawaabi doonaan arrintan, maadaama xalay uun laga raalli-geliyay wixii dhacay, balse isla maanta dowladdu sii xoojisay hanaanka gelitaanka garoonka, si loo xakameeyo dhaq-dhaqaaqa xubnaha Golaha Mustaqbalka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard