Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Ku dhowaad $100 milyan oo laga dhacay howlgalka Midowga Yurub ee Somalia iyo shaqsi loo xiray - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Ku dhowaad $100 milyan oo laga dhacay howlgalka Midowga Yurub ee Somalia iyo shaqsi loo xiray


Nairobi (Adduun.com) – Howl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa la sheegay in laga dhacay lacago badan, kadib markii nin u dhashay dalka Spain uu si khiyaano ah uga helay howl-galka lacag ka badan 80 milyan oo doollar.

Kiiskan ayaa waxaa baaritaan ku sameeyay Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Yurub (EPPO) oo xaruntiisu tahay Madrid. Baaritaankaas kadib, ninkaasi ayaa lagu riday xukun saddex sano oo xarig ah.

Eedeysanaha oo aan magaciisa la shaacin, ayaa lagu helay inuu iska dhigay bixiye adeeg oo la shaqeeya howl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya, si uu u helo lacago aanu xaq u lahayn.

Falalkan ayaa la xiriiray dhaqaale loo qoondeeyay Howl-galka Midowga Yurub ee Dhismaha Awoodda Soomaaliya (EUCAP Somalia), kaas oo ka shaqeeya taageerada Ciidanka Booliska Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee dalka.

Ujeeddada EUCAP Somalia ayaa ah kor u qaadista fulinta sharciga iyo xoojinta amniga badda Soomaaliya. Lacagaha loo qoondeeyay howl-galkan ayaa qayb ka ahaa taageeradaas.

27-kii December 2022, eedeysanaha ayaa diray email uu ku dalbanayo in lacag lagu wareejiyo akoon bangi oo uu isagu maamulayay. Wuxuu isu ekaysiiyay shirkad bixisa qalab caafimaad iyo adeegyo shaybaar.

9-kii Janaayo 2023, waxaa akoonkiisa lagu shubay 69,751.40 yuuro, kaddib markii la aqbalay codsigiisa. Lacagtaas ayuu ku helay si sharci darro ah.

Maxkamadda Dambiyada ee Audiencia Nacional, gaar ahaan Qaybta Labaad, ayaa ku xukuntay saddex sano oo xarig ah. Sidoo kale, waxaa lagu ganaaxay 10 bilood, oo ku kacaya 10 yuuro maalintii.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay amartay in uu dib u bixiyo dhammaan lacagtii uu khiyaanada ku qaatay. Arrintan ayaa qayb ka ah tallaabooyinka lagu soo celinayo hantida si sharci darro ah lagu helay.

Xukunka oo la soo saaray 9-kii Febraayo 2026 ayaa noqday kiiskii ugu horreeyay ee Maxkamadda Dambiyada ee Audiencia Nacional ku go’aamiso dacwad ay baartay EPPO ee Madrid, iyadoo weli ay furan tahay suurtagalnimada racfaan.

EPPO waa hay’ad madax-bannaan oo u qaabilsan Midowga Yurub baarista iyo dacwadeynta dambiyada wax u dhimaya danaha maaliyadeed ee Midowga Yurub.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard