Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Koox Soomaali ah oo weerar ku qaaday doon IRAN laga leeyahay – Maxaa dhacay kadib? - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Koox Soomaali ah oo weerar ku qaaday doon IRAN laga leeyahay – Maxaa dhacay kadib?


Boosaaso (Adduun.com) – Koox burcad-badeed Soomaali ah ayaa weerar ku qaaday doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan, taas oo ku sugneyd xeebta degmada Eyl.

Burcad-badeedda ayaa la sheegay inay doonayeen inay qafaashaan doonta si ay ugu adeegsadaan weerarro kale oo lagu beegsanayo maraakiibta shisheeye ee ka gudba biyaha Soomaaliya, si la mid ah falal hore uga dhacay xeebaha Puntland.

Balse, kooxda weerarka qaaday ayaa iska caabin xooggan kala kulantay ilaalo saarneyd doonta, waxaana la soo warinayaa khasaare ballaaran oo soo gaaray kooxdii weerarka soo qaaday oo tiradooda lagu qiyaasay illaa 10 nin.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in hal nin oo ka tirsanaa kooxda burcad-badeedda uu ku dhintay iska hor-imaadka, halka labo kale ay ku dhaawacmeen. Meydka ninka dhintay iyo labada dhaawaca ah ayaa loo qaaday gudaha degmada Eyl.

Ilaalada saarneyd doonta kalluumeysiga ee laga leeyahay Iiraan ayaa la sheegay in qaarkood Soomaali yihiin. Si kastaba, ciidamada ammaanka Puntland ayaa markii dambe la wareegay doontii ay wateen burcad-badeedda oo ku soo caariday xeebta.

Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah eedeysanayaasha oo dhaawac qaba iyo sidoo kale wadihii doonta.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo horay afduub loogu geystay markab kalluumeysi oo Shiinaha laga leeyahay, laguna magacaabo Liao Dong Yu 578, kaas oo lagu qafaashay meel ku dhow xeebaha Bandar Beyla ee gobolka Bari.

Xeebaha Puntland ayaa bilihii u dambeeyay mar kale noqday goob ay kusoo laba-kacleeyaan falalka burcad-badeedda, taas oo sii kordhisay welwelka amni ee maraakiibta adeegsata marin-biyoodka Soomaaliya.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard