Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Koonfur Galbeed oo shaacisay DAL ku lug leh dagaalka lagu qaaday - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Koonfur Galbeed oo shaacisay DAL ku lug leh dagaalka lagu qaaday


Muqdisho (Adduun.com) – Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo war kasoo saaray dhaq-dhaqaaqyada ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Baay ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladda Turkiga oo saaxib dhow la ah Soomaaliya, isla markaana ka taageerta dhanka milatariga.

Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka lagu qaaday loo adeegsanayo ciidamadii uu soo tababaray Turkiga iyo hubkii ay ugu deeqeen Soomaaliya oo loogu talagalay in lagula dagaalamo kooxda Al-Shabaab.

Warsaxaafadeedka ayaa si cad loogu sheegay in Turkiga uu qeyb ka yahay duulaan ay Koonfur Galbeed sheegtay in lagu qaaday deegaannadooda, isla markaana diyaaradahooda dagaalka ay kor ka ilaalinayaan ciidamada dowladda ee kusii jeeda magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

“Dowladda Turkiga waxay saaxib la ahayd shacabka Soomaaliyeed, balse hadda waxay u muuqataa inay ka qayb-qaadaneyso dagaalka sokeeye oo gudaha Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale wuxuu bayaanka intaas ku daray “Waxaa sidoo kale lasoo wariyay in diyaaradaha Drone-ka ee Turkiga ay ilaalinayaan ciidamada DFS ee ku wajahan Baydhaba ee la rabo in lagu gumaado shacabka reer Koonfur Galbeed Soomaaliya” .

Xiisadda ka taagan Koonfur Galbeed ayaa kasii dartay shalay, kadib markii shalay uu Cabdicasiis Lafta-gareen doorasho deg-deg ah ku qabsaday magaalada Baydhaba, taas oo ay diiday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoo a sii xoogeysaneyso xiisadda u dhexeysa labada dhinac oo hadda ciidamo isku aruursanayo, waxaana maanta ciidamada dowladda ay gaareen aagga deegaanka Daynuunaay.

Waxaa sidoo kale si weyn u hakaday isku socodkii dadweynaha ee deegaannada maamulka, gaar ahaan gaadiidkii geli jiray magaalada Baydhabo.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard