Washington (Adduun.com) — Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa Talaadadii shaacisay in qiyaastii 140 askari oo Mareykan ah ay dhaawacyo soo gaareen, halka 7 ay geeriyoodeen, tan iyo markii uu bilowday hawlgalka milateri ee loo bixiyay ‘Epic Fury’, kaas oo ka dhan ah dowladda Iiraan, soona bilowday 28-kii bishii Febraayo.
Afhayeenka Wasaaradda Difaaca, Sean Parnell, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dhaawacyada intooda badan ay yihiin kuwo aad u fudud, isagoo xusay in 108 ka mid ah askartaas ay durba dib ugu laabteen shaqadooda iyo furimaha dagaalka. Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa horay u xaqiijiyay in guud ahaan toddoba askari oo Mareykan ah ay ku naf-waayeen dagaalkan.
“Dhaawacyada ugu badan waa kuwo fudud,” ayuu yiri Sean Parnell oo ah afhayeenka guud ee Pentagon-ka. “Siddeed askari ayaa wali ku diiwaangashan inay qabaan dhaawacyo halis ah, waxayna hadda helayaan daryeel caafimaad kii ugu sarreeyay.”
Maalintii Axadda, Pentagon-ka ayaa ku dhawaaqay dhimashada askarigii toddobaad ee ku geeriyooda dagaalka Iiraan. Isniintii, wasaaraddu waxay si rasmi ah u aqoonsatay askarigaas oo lagu magacaabo Sarreeye (Sgt.) Benjamin Pennington, oo 26 jir ah, kana soo jeeda magaalada Glendale ee gobolka Kentucky.
Sida uu xaqiijiyay Taliska Dhexe ee Mareykanka, Sarreeye Pennington ayaa dhaawac culus uu kasoo gaaray 1-dii bishan Maarso, xilli Iiraan ay duqeyn la beegsatay saldhig milateri oo ku yaalla Sacuudi Carabiya, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada Mareykanka.
Askarigan ayaa u geeriyooday dhaawaciisa habeenimadii Sabtida, xilli saraakiisha caafimaadka milaterigu ay isku diyaarinayeen inay u wareejiyaan isbitaal milateri oo Mareykanku ku leeyahay dalka Jarmalka si uu u helo daryeel caafimaad oo horumarsan.
Pennington ayaa bishii Juun ee sanadkii hore loo wareejiyay Guutada Hawada Sare (Space Battalion), isagoo si gaar ah uga tirsanaa Guutada 1-aad ee fadhigeedu yahay Fort Carson, gobolka Colorado.
Dhanka kale, Madaxweyne Donald Trump ayaa maalintii Sabtida goobjoog ka ahaa munaasabad baroor-diiq ah oo ka dhacday Saldhigga Cirka ee Dover ee gobolka Delaware, halkaas oo dalka dib loogu soo celiyay meydadka lixdii askari ee ugu horreysay ee Mareykan ah ee ku dhinta dagaalka.
Lixdan askari oo ka tirsanaa ciidamada keydka ayaa lagu dilay duqeyn diyaarad Drone ah oo ay Iiraan maalintii Axadda la beegsatay dekedda Shuaiba ee dalka Kuweyt.
Iiraan ayaa qaadday weeraro aargoosi ah oo is-daba-joog ah oo ka dhan ah saldhigyada milateri ee Mareykanka tan iyo markii uu dagaalku qarxay dabayaaqadii bishii Febraayo.
Sidoo kale, Tehran ayaa beegsatay xarumo diblomaasiyadeed oo ku yaalla waddamada Carabta ee Khaliijka, hoteelo, iyo garoomo diyaaradeed, waxayna burbur lixaad leh gaarsiisay kaabayaasha muhiimka ah ee shidaalka.
Si kastaba ha ahaatee, Pentagon-ka ayaa sheegaya in tirada duqeymaha Iiraan ay si weyn hoos ugu dhacday tan iyo bilowgii dagaalka, maadaama, sida ay yiraahdeen, diyaaradaha dagaalka ee Mareykanku ay si joogto ah u bur-burinayaan keydadka hubka ee Iiraan iyo goobaha ay wax ka ridaan.
Mar wax laga weydiiyay in Iiraan ay noqotay mid ka awood badan sidii uu milateriga Mareykanku filayay markii uu dejinayay qorshayaasha dagaalka, ayuu Guddoomiyaha Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, General Dan Caine, saxafiyiinta u sheegay in dagaalku uusan ahayn mid ka adag sidii la filayay.
“Waxaan qabaa inay dagaallamayaan, taasna waan ixtiraamayaa, balse uma maleynayo inay yihiin kuwo ka khatar badan sidii aan markii hore ku qiyaasnay,” ayuu yiri General Caine oo ka hadlayay shir jaraa’id oo Talaadadii ka dhacay xarunta Pentagon-ka.
