Nairobi (Adduun.com) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay fureyso xadka Mandheera ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa ku dhawaaqay in bisha April ee sanadkan ay Kenya dib u furi doonto xadka Soomaaliya, oo horey loogu xirey sababo la xiriira adkaynta amniga.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid lagu soo celinayo xiriirkii bulsho iyo dhaqaale ee ka dhaxeeyay shacabka ku nool xadka.
“Wax la aqbali karo maaha in bulshooyinka xuduudda ku nool ay ka go’naadaan eheladooda iyo deriskooda Soomaaliya, sababo la xiriira xirnaanshaha marinkaas,” ayuu yiri Ruto oo ka hadlayay magaalada Mandheera.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in tallaabadani ay kor u qaadi doonto barwaaqada iyo iskaashiga labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.
Dib u furista xadka labada dal ayaa la filayaa inay fududeyso isu-socodka dadka iyo badeecadaha, isla markaana ay dhiirrigeliso ganacsiga iyo xasilloonida deegaannada xuduudka.
Si kastaba, dowladda Kenya ayaa hore u sheegtay in xiritaanka xadka Soomaaliya uu salka ku hayay dadaallo lagu adkeynayo amniga iyo ka hortagga weerarro kaga iman kara kooxda Al-Shabaab, oo dagaal uga socdo gudaha Soomaaliya.
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
