Nairobi (Adduun.com) – Dowladda Kenya ayaa gacanta ku dhigtay tiro darees ah oo ah kan tuutaha ciidankeeda, kuwaas oo looga shakisan yahay in si qarsoodi ah loogu waday deegaannada ay ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab.
Qoraal ka soo baxay hay’adaha amniga Kenya, gaar ahaan laamaha sirdoonka ayaa lagu sheegay in agabkan lagu qabtay gudaha xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, oo ah xaafad si weyn u degan yihiin Soomaalida, uuna ka socdo dhaq-dhaqaaq ganacsi oo ballaaran.
Saraakiisha ammaanka ayaa tilmaamay in howlgalka lagu soo qabtay dareeskan uu qeyb ka yahay dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo la-dagaallanka kooxaha hubeysan, isla markaana lagu xakameynayo sahay kasta oo gaari karta.
Howlgalkan ayaa yimid kaddib markii ciidamada Jubbaland ay degmada Dhoobley ku qabteen illaa 25 darees oo ah kan tuutaha ciidanka Kenya, kuwaas oo la rumeysan yahay in loo waday kooxda Al-Shabaab.
Tallaabadaasi ayaa keentay in la bilaabo baaritaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo halka uu ka yimid agabkan iyo cidda ka dambeysa, taas oo ugu dambeyn lagu gaaray goob ku taalla Islii oo lagu keydiyay daraasiin kale oo darees ah.
Ilo amni ayaa sheegaya in goobtaasi ay ahayd meel si gaar ah loogu diyaariyay kaydinta iyo gudbinta agabkaasi, taas oo muujineysa jiritaanka shabakad isku xiran oo ka shaqeyneysay arrintan.
Laamaha amniga Kenya ayaa sheegay inay sii wadi doonaan baaritaannada, ayna ku raad-joogaan dhammaan shaqsiyaadka iyo kooxaha ku lugta leh falalkan, si loo horgeeyo cadaaladda.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli dowladda Kenya ay kordhisay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada xuduudda la wadaagto Soomaaliya, iyadoo dadaal xooggan ku bixinaysa sugidda amniga iyo ka hortagga khataraha amni ee ka imaan kara gudaha iyo dibaddaba.




