Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Kenya oo cabsi dareentay kadibna ciidamo soo dhoobay xadka Soomaaliya - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Kenya oo cabsi dareentay kadibna ciidamo soo dhoobay xadka Soomaaliya


Nairobi (Adduun.com) – Wararka laga helayo deegaanada ku yaalla xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey ay Kenya soo dhoobtay ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga, si ay uga hortagaan weerarro ay Al-Shabaab  ka gaystaan gudaha dalkaas iyo saldhigyada ciidamo ee u dhow sohdinta labada dal.

Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in heegan sare la geliyey ciidanka, waxaana la kordhiyay askarta ka howlgala waddooyinka ay isaga kala gudbaan gawaarida isaga kala gooshta labada dhinac.

Sidoo kale jidadka isku xira deegaanada ku yaalla xadka ayaa haatan laga bilaabay baaritaanno dheeraad ah oo lagu xaqiijiyo amniga, si looga feejignaado dhagarta Al-Shabaab.

Arrintan ayaa timid kadib markii dhawaan madaxweynaha Kenya uu la kulmay saraakiisha ciidamada Milatariga, Sirdoonka iyo Booliiska, isaga oo kala hadlay adkeynta nabadgalyada iyo ka hortagga weerarro ay dalkaas kusoo qaadaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Ujeedka ugu wayn ayaa ah in Kenya ay ka hortagto in uu culays ka yimaado waddooyinka muhiimka u ah isu socodka ciidankeeda ka jooga Soomaaliya oo si joogto ah sahayda u gudbista, sidoo kale arrinta labaad ayaa ah in haddii weerarrada sii kordhaan uu badinayo amni darrada gudaha dalkeeda.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay dhankooda cabsi ka muujinayaan in dagaallo ay ka dhacaan halkaas, iskuna fara saaraan labada dhinac.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa Al-Shabaab ay kordhiyeen dhaq-dhaqaaqooda deegaannada ku yaalla xadka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana ay ahayd todobaadkii hore markii ay weerareen deegaanka Kudhaa, halkaas oo isla ayagii lagu gaarsiiyay jab culus, kadib dagaallo adag oo ay la galeen ciidamada Jubbaland iyo kuwa kumaandooska Danab.

Waxa kale oo dagaalladan barbar socday duqeymo is dabajoog ah lagu cuuryaamiyay Al-Shabaab, loogana laayay maleeshiyaad badan, sidoo kalena lagu gubay hub iyo gaadiid dagaal oo ay lahayd kooxdu.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard