Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Kadib qodista shidaalka, Yuusuf Garaad oo soo jeediyay in aan laga leexan… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Kadib qodista shidaalka, Yuusuf Garaad oo soo jeediyay in aan laga leexan…


Muqdisho (Adduun.com) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad ayaa ka hadlay horumarka cusub ee laga gaaray sahminta iyo qodista shidaalka dalka, xilli rajo weyn laga qabo in Soomaaliya ay gasho marxalad cusub oo dhanka kheyraadka dabiiciga ah ah.

Qoraal uu soo saaray Yuusuf Garaad ayuu ku muujiyay farxaddiisa ku aaddan in dalka laga bilaabo qodista shidaalka, isagoo tilmaamay in tani ay tahay tallaabo taariikhi ah oo wax weyn ka beddeli karta mustaqbalka dhaqaale ee Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale xusay in shirkado waaweyn oo caalami ah ay durba xiiseynayaan xogta laga helay sahannadii hore, taasoo muujineysa in Soomaaliya ay yeelan karto kaalmo iyo maalgelin caalami ah oo dhanka shidaalka ah.

Dhanka kale, Yuusuf Garaad ayaa si gaar ah uga hadlay arrinta magac-bixinta ceelka ugu horreeya ee shidaalka, isagoo soo jeediyay aragti ku saabsan sida ay habboon tahay in loo maareeyo magacaas, si uu u yeesho micno qaran oo waara.

“Ceelka ugu horreeya ee la qodistiisa la billaabi rabo, waxaan maqlayaa in loo bixiyay Curad One, ama Curad Kow. Sida keliya oo loogu qiil dayi karo in ‘Curad’ tiro la raaciyo waa in qoditaankaan shidaal oo ah kii ugu horreeyay Soomaaliya dhammaantiis loo bixiyo Curad,” ayuu yiri Yuusuf Garaad oo soo jeediyay in aan laga leexan magac bixinta ceelka ugu horeeyay la siiyay.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Dekedda Xamar waxaa taagan markabkii Turkiga ee qodi lahaa shidaalka Soomaaliya ka dib markii la sahmiyay goobaha qaar.

Sharikadda Mareykanka ee Chevron ee Shidaalka, Gaaska iyo Tamarta ee fadhigeesu yahay Houston iyo Sharikadda British Petrolium oo loo soo gaabiyo BP iyagana waxaan maqlayaa, adiguna iska hubi, in ay iibsadeen macluumaadkii sharikadda Turkigu ay ka diyaarisay sahankii shidaalka Soomaaliya.

Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka hadleyno shidaal laga soo saarayo Soomaaliya.

Ummadda Soomaaliyeed oo dhan ayaan ugu hambalyeynayaa. Rabbi ha nooga dhigo mid Soomaalidu ay wada mahadiso.

Magac Bixinta

Ceelka ugu horreeya ee la qodistiisa la billaabi rabo, waxaan maqlayaa in loo bixiyay Curad One, ama Curad Kow.

“Curad” macnihiisu waa ilmaha koowaad. Curad labaad iyo Curad saddexaadna ma jiraan.

Curad mar kasta waa Curad – waana kan koowaad.

Ceelka shidaal ee ugu horreeya ee Soomaaliya laga qodayo waa ku habboon yahay magaca Curad in loo bixiyo. Laakiin tirada daba socota ha laga reebo oo ha noqodo Ceelka Curad ee Shidaalka.

Sida keliya oo loogu qiil dayi karo in “Curad” tiro la raaciyo waa in qoditaankaan shidaal oo ah kii ugu horreeyay Soomaaliya dhammaantiis loo bixiyo Curad.

Oo markaa ceelashu ay tiro qaataan sida ay u kala horreeyaan.

Tusaale ahaan in loo bixiyo ceelka Koowaad ee Curad, Ceelka Labaad ee Curad. Ceelka saddexaad ee Curad…

Marka Chevron iyo BP ama duul kale ay yimaadaanna ceelasha ay qodi doonaan loo helo magacyo kale.

Mar kale, Soomaaliyeey hambalyo.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard