Baydhabo (Adduun.com) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u muuqda mid luminaya madaxda dowlad-goboleedyadii taabacsanaa, iyadoo haatan uu meel sare gaaray khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.
Lafta-gareen oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in Xasan Sheekh uusan cidna naf u hayn, uuna usoo bareeray, xilli uu tanaasul badan u sameeyay rabitaankiisa, sida uu hadalka u dhigay.
Lafta-gareen ayaa sheegay in dagaalka ay kusoo qaaday Villa Soomaaliya uusan ku eekayn isaga oo keliya, balse ay jidka kusoo jiraan maamullada kale ee hore xulafada ula ahaa Dowladda Federaalka. Wuxuu si gaar ah u carabaabay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor-Qoor, oo uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu u soo socdo.
“Shalay waxaa nala yiri Deni waa tuug dowladnimo ma rabo waa cadyahay waa nagula soo raacaya ha la cuno. Axmed Madoobe waa kii gaduudna ee ha la cuno, kii Madooba baa nagu haray waa aniga ha la cuno. Berrina waa kii Jaalaha ahaa ee ha la cuno, oo Qoor-Qoor ayaa ku xiga,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.
Waxa uu intaas kusii daray: “Waraabe waxaa la yiraahda laf banaan taallana uma roona oo waa jajabinaa, laftiisana uma roona, oo waa dureysa oo dhiig ayay ka keenaysa. Qof la jooga (Xasan Sheekh) uma roona, qof maqana uma roona.”
Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa si cad u sheegay in ay u kala dhamaatay isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana Dowladda Federaalka aysan tegi karin deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.
“Marka aragnay jidgooyinka iyo sida loo dhibaateynayo shacabka Koonfur Galbeed. Waxaan go’aansanay in Dowladda Federaalka xiriirka u jarno, wax ay noogu timaadana waa dulmi oo adduunka iyo dadka Soomaaliyeed waa u sheegayna,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
“Dowladda Federaalka nooma imaan karto, namana arki karaan illaa inta waxa ay ku jiraan wax ka beddelayaan, illaa la keeno wax Soomaali ku mideysan tahay oo la isla ogol yahay.”
Ugu dambeyntiina, Madaxweyne Lafta-gareen ayaa caddeeyay in Koonfur Galbeed ay gebi ahaanba qaadacday dastuurka cusub ee uu meel-mariyay Baarlamaanka Soomaaliya, uuna saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay in ay aqoonsan yihiin oo keliya dastuurkii 2012-kii.
“Dowladda Koonfur Galbeed waxay caddeyneysaa in dastuurka KMG ka ah ee la ansixiyay sanadkii 2012-kii uu yahay midka sharciga ah ee ay Soomaali ku heshiishay, laguna dhaqmaayo. Waxaan diidanahay oo aanan ogoleyn dastuurka cusub waa mid aan loo dhammeyn oo lagu meelmarsaday habraac khaldan iyo musuq-maasuq,” ayuu yiri Madaxweyne Lafta-gareen.
Waxa uu intaas kusii daray: “Maadaama ay dadka Soomaaliyeed kusii kala tegayaan (dastuurka cusub) qaybna kama nihin mana ku jirno, waana ka dignay, oo waxay arrintan qayb ka tahay waxa ugu wayn ee ay noogu socdaan dagaallada”.
Hoos ka daawo muuqaalka
