Connect with us

News

Kadib go’aankii Turkiga, Ankara oo dowladda Soomaaliya…


Ankara (Adduun.com) – Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya u tababaraysa cutubyo ciidan oo cusub, kuwaas oo si dhameystiran loogu qalabeynayo agabka ay ku hawl-galayaan, sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Ciidamadan ayaa ka kooban kuwa dhulka, badda iyo cirka, si loo adkeeyo amniga guud ee dalka Soomaaliya.

Xukuumadda Ankara ayaa sidoo kale kordhisay muddada ay joogayaan ciidamada Turkiga ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo ka qayb qaata sugidda amniga, waxaana garab socda macallimiin door muhiim ah ka ciyaara tababarka ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Joogitaanka milateri ee Turkiga ee badaha ayaa sidoo kale si weyn ula jaanqaadaya hammiga tamarta ee Ankara ay ka leedahay xeebaha Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya iskaashi milatari oo ballaaran, kaas oo diiradda saaraya sugidda amniga, tayeynta ciidamada ammaanka, tababarka cutubyo cusub iyo arrimo kale oo la xiriira dhinaca milatariga, sida ku cad heshiisyada labada dhinac.

Turkiga ayaa horay u tababaray ciidamo gaar ah oo isugu jira kumaandoos iyo booliis si heer sare ah loo diyaariyay, sidoo kale wuxuu diyaariyay askar kooban oo ku takhasusay duulinta diyaaradaha casriga ah, kuwaas oo la qorsheynayo in la kordhiyo.

Si kastaba, Xukuumadda Muqdisho iyo Ankara ayaa ka wada-hadlaya jadwalka rasmiga ah ee tababarkan lagu bilaabayo, tirada guud ee ciidamada la diyaarinayo iyo arrimaha farsamo ee kale ee la xiriira howlahaas.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in News