Muqdisho (Adduun.com) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hoggaanka ururrada siyaasadda ee ka qeyb-galay doorashadii goleyaasha deegaanka ee gobolka Banaadir.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhagaystay hoggaanka ururrada aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan horumarinta nidaamka doorashooyinka dadweynaha, xoojinta dimuqraadiyadda iyo ka-qaybgalka bulshada ee arrimaha siyaasadda.
Mudane Xamza ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo jawi siyaasadeed oo ku dhisan wadashaqeyn, si loo xaqiijiyo hannaan doorasho oo daahfuran, loona dhiso hay’ado dowladeed oo ku yimaadda rabitaanka shacabka.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumaddu ay ka go’an tahay dhageysiga dhammaan daneeyayaasha siyaasadda dalka, si loo helo aragti mideysan oo lagu wajahayo amniga dalka arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dowlad-dhiska.
Xukuumadda Dan-Qaran ayaa ku hawlan dhamaystirka doorashada tooska ah ee dowladaha hoose, iyada oo la filayo in muddo kooban degmooyin badan oo dalka looga qabto doorashada cod iyo qof ee goleyaasha deegaanka.
Kulankan ayaa imanaya xilli ay fashilmeen wada-hadalladii Villa Somalia, ee u dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, kadib markii la isku mari qodobada ay isku hayeen labada dhinac.
Golaha Mustaqbalka ayaa xudunta is-mari-waaga iyo kala aragti-duwanaanta labada dhinac ku sheegay inay sabab u tahay in goluhu ku adkeystay in Dastuurka KMG ah ee 2012 uu yahay aas-aaska sharciga ee dalka u degsan, wax ka beddelkiisuna uu u baahan yahay heshiis qaran oo loo dhan yahay, haalka dowladdu ku adkeysatay in aysan cidna u joojin doonin wax ka beddelka dastuurka, isla markaana ay sii wadi doonto.
Arrinta kale ee fashilka keentay ayaa iyaduna ahayd in goluhu ku adkeystay qabashada doorashooyinka dowlad-goboleedyada muddo-dhaafka ah, iyadoo la raacayo sida uu dhigayo dastuurka dowlad-goboleedyada iyo mabaadi’da Dastuurka Federaalka Soomaaliya. Halka dowladdu iyaduna dooneysay in doorashooyinka saddexda maamul-goboleed lagu qabto sharciyad iyo habraacyo ku saleysan dastuurka wax ka beddelkiisa la isku hayo, taas oo ugu dambeyn sababtay in shirka lagu kala tago.








