Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Kadib fashilka wada-hadallada Villa Somalia, beesha caalamka oo tallaabo qaaday - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Kadib fashilka wada-hadallada Villa Somalia, beesha caalamka oo tallaabo qaaday


Muqdisho (Adduun.com) – Kadib fashilka wada-hadallada maalmihii dambe ka socday Villa Soomaaliya, ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, Beesha Caalamka ayaa bilowday inay si toos ah ula xiriirto labada dhinac.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo xiriiro la sameeyay madaxda Soomaalida ayaa rajeeyay sii socoshada doonaan wada-hadallada.

Swan ayaa sheegay in labada dhinac uu ujeediyay sii wadista wada-hadallada, si xal looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee taagan, taas oo salka ku haysa hannaanka doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka.

“Waxaan labada dhinac kula talinay inay sii socdaan wada-hadallada. Waan rajeyneynaa in ay sii socda wada-xaajoodyada dowladda iyo Golaha Mustaqbalka,” ayuu yiri James Swan.

Sidoo kale waxa uu caddeeyay inay ka shaqeynayaan sidii ay u sii socon lahaayeen wada-hadallada. Beesha Caalamka ayaa u aragta wada-xaajoodka mid looga gudbi karo xaaladda cakiran ee taagan.

Hadalka Swan ayaa imanaya xilli xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo maanta shir gaar ah ku yeeshay xeyndaabka garoonka ee xerada Xalane ay ku dhawaaqeen inay burbureen wada-hadalladii ay kula jireen dowladda.

Bayaan kasoo baxay golaha ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in wada-xaajoodkii socday maalmahan ugu dambeyn uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan, taas oo sii adkeyneysa xaaladda cakiran ee uu ku jiro dalka.

Qodobka ugu weyn ee is-mari-waaga dhaliyay ayaa ah nooca hannaan doorasho ee dalka lagu hagi doono.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu ka xun yahay inuu shacabka Soomaaliyeed ku wargeliyo in wadaxaajoodkii ay kula jireen DFS uu kusoo dhammaaday natiijo la’aan. Goluhu wuxuu wada-hadalku ku galay niyad wanaag iyo in dalka looga turo xaaladda adag ee uu ku jiro” ayaa lagu yiri bayaanka.

Golaha ayaa caddeeyay “in uusan maxlal iyo maqaarsaar u noqon doonin dastuur la beddelo, doorasho lagu shubto, iyo in dalka iyo dadka Soomaaliyeed la kala diro.”

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana si weyn la’isugu hayaan doorashada iyo arrimaha Dastuurka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard