Muqdisho (Adduun.com) – Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdifataax Mukhtaar oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa si kulul ugu jawaabay Waiiru Dowlaha Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi oo shalay weerar afka ah ku qaaday Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.
Wasiir Cumar ayaa shaaca ka qaaday in dalka looga taliyo Madaxtooyada, isla markaana ay ku qasban yihiin inay tegaan madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland oo hadda ka caga jiidayo in Xasan ay ugu tegaan xafiiskiisa.
“Waddanka waxaa laga xukumaa Villa Soomaaliya. Deni iyo Axmed Madoobe waa ku qasban yihiin inay yimaadaan” ayuu yiri Wasiir Cumar Cali Cabdi.
Intaas kadib waxaa soo jawaabay Wasiirka Warfaafinta Jubbaland oo isna sheegay in labada madaxweyne aysan ku qasbaneyn inay tegaan Villa Soomaaliya,balse ay u joogaan kaliya in dalka ay badbaadiyaan.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in wasiirka hadlay aanu garaneyn shaqadiisa, isla markaana ay ahayd inuu ka hadlo guulaha ciidamada ee howlgallada.
“Deni iyo Axmed Madoobe ma qasbana ee inay Soomaaliya badbaadiyaan ayey u joogaan,Ninka dhallinyarada ah ee Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga ahna shaqadiisa nin yaqaanna maaha”. ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ninkaas Wasiirka ka ah Gaashaandhigga waxa ay ahayd inuu ka hadlo Ciidanka NISA Jubbaland guulihii ay ka gaareen howdka Badda Madow oo lagu burburiyay warshadii qaraxyada Al-Shabaab”.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan xaaladda dalka ay cakiran tahay, unna weli taagan yahay is mari-waa xooggan oo u dhexeeya xubnaha mucaaradka iyo hoggaanka dalka, kaas oo ka dhashay doorashooyinka.
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
