Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Jubaland oo markii ugu horeysay khatar u aqoonsatay… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Jubaland oo markii ugu horeysay khatar u aqoonsatay…


Kismaayo (Adduun.com) – Maamulka Jubaland ayaa khatar u aqoonsaday geedka Cali-garoobka, ama loo yaqaano Geed Yahudka, kaas oo ku fidaya qeybo kamid ah deegaannada maamulkaasi.

Geedkan ayaa dhibaato ku haya wax-soo-saarka dalka, gaar ahaan deegaanada Jubaland. Arrintan ayaa looga dhawaaqay shirka Golaha Wasiirada maamulka oo maanta uu guddoomiyay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Shirka golaha ayaa sidoo kale lagaga hadlay arrimaha amniga, deegaanka, xaaladda guud ee siyaasadda dalka, iyo gurmadka abaaraha ka jira deegaanada Jubaland.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa Golaha la wadaagtay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda guud ee amniga Jubaland, iyadoo ka warbixisay howl-galladii ugu dambeeyay ee ciidamada ammaanku ka fuliyeen deegaano kala duwan, kuwaas oo laga gaaray guulo wax ku ool ah oo lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasiloonida.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa ka warbixisay xaaladda deegaanka, gaar ahaan dadaallada lagu yareynayo isticmaalka bacaha iyo kahortagga fiditaanka geedka Cali-garoobka, oo khatar ku ah deegaanka.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan xaaladda abaareed ee ka jirta Jubaland.

Wasaaraddu waxay sheegtay in gurmad raashin ah la gaarsiiyay qoysaska ay abaartu saameysay, isla markaana ay sii wadaan dadaallo dheeraad ah oo lagu xoojinayo ka jawaabidda xaaladda bani’aadannimo, iyagoo kaashanaya hay’adaha dowladda iyo bahwadaagtooda.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard