New York (Adduun.com) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres ayaa James Swan u magacaabay inuu noqdo Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Hawlgalka Xasilinta Qaramada Midoobay ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
War-saxaafadeed kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in diblomaasiga Mareykanka Swan uu hoggaamin doono howlgalka MONUSCO, isaga oo xilka kala wareegaya Bintou Keita.
Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale uga mahadcelisay Keita doorkii ay ka qaadatay hoggaaminta howlgalkaas muddadii ay xilka haysay.
Magacaabistan cusub waxay ka dhigan tahay in Swan uu ka tagayo xilkii uu ka hayay Soomaaliya, halkaas oo tan iyo bishii Maarso 2025 uu ka ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo madaxa howlgalka UNTMIS.
Swan ayaa sidoo kale hore u soo hoggaamiyay howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM, intii u dhexeysay sannadihii 2019 ilaa 2022.
Ka tegitaanka Swan ee Muqdisho ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay tahay mid kacsan, iyadoo hoggaanka siyaasadeed uu weli isku khilaafsan yahay arrimo ay ka mid yihiin wax-ka-beddelka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka.
Dhanka kale, howlgalka MONUSCO ee uu Swan hadda hoggaamin doono ayaa Qaramada Midoobay aasaastay sanadkii 2010, si loo ilaaliyo rayidka, loona taageero dowladda Congo, isla markaana loo xasiliyo gobollada ay colaadaha ka jiraan.
Colaadahaas ayaa inta badan ka socda bariga dalka, halkaas oo ay ka howlgalaan kooxo hubeysan oo kala duwan.
Kooxahaas waxaa ka mid ah ururka March 23 Movement (M23), oo gacanta ku haya dhul ballaaran oo ay ku jiraan magaalooyinka Goma iyo Bukavu, iyadoo dowladda Congo iyo Qaramada Midoobay ay Rwanda ku eedeeyeen inay taageerto M23, inkastoo Kigali ay arrintaas si adag u beenisay.
