Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support James Swan oo degdeg ula kulmay Aadan Madoobe kadib go’aankii… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

James Swan oo degdeg ula kulmay Aadan Madoobe kadib go’aankii…


Muqdisho (Adduun.com) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kulankan oo ka dhacay xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo go’aannadii u dambeeyay ee ka soo baxay guddoonka baarlamaanka, oo uu ugu dambeeyay kan maanta ee socdaalka looga joojiyay xildhibaannada.

Intii uu kulanka socday, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa Ergeyga warbixin ka siiyay howlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, taageerada ay siiyaan dowladda iyo sidoo kale guud ahaan shaqooyinka ay dalka ka hayaan.

Sidoo kale, Guddoomiye Madoobe ayaa uga warbixiyay howlaha baarlamaanka, gaar ahaan arrimaha la xiriira dib-u-eegista iyo dhameystirka dastuurka oo muran xooggan ka taagan yahay, xilli maalmo ka hor ay burbureen wada-hadalladii Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS wuxuu Ergeyga u sheegay in dib-u-eegista iyo dhameystirka dastuurka ay meel wanaagsan mareyso, islamarkaana ay ku howlan yihiin Baarlamaanka labadiisa aqal,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la sii xoojiyo lana joogteeyo wada-shaqeynta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa imanaya xilli guddoonka baarlamaanka uu qorsheynayo ansixinta wax-ka-beddelka dastuurka, oo uu gadaal ka riixayo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, wuxuu ku soo aadayaa iyadoo guddoonka uu xildhibaannada Baarlamaanka ka mamnuucay inay ka baxaan magaalada Muqdisho, uuna guddoonka labada Aqal ee BF faray ciidanka nabad-sugidda garoonka in uusan jirin xildhibaan bixi kara.

Guddoonka ayaa shardi ka dhigay in xildhibaanka raba inuu ka dhoofo Muqdisho uu fasax ka haysto, xilli shalay xildhibaanno ka soo jeeda Puntland laga celiyay Garoowe, iyagoo doonayay inay ka qayb-galaan wada-tashi uu ugu yeeray Madaxweyne Siciid Deni.

Xildhibaannada oo mar kale saaka tegay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa laga hor istaagay inay ka baxaan, taasoo keentay in mar kale uu baaqdo safarkoodii.

Xildhibaannada ayaa lagu wargeliyay amarkan cusub, iyagoo qaarkood oo la hadlay warbaahinta si weyn u dhaleeceeyay madaxda dowladda.

Arrintan ayaa sii hurisay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan gudaha dalka, iyadoo Madaxweynaha Puntland oo shir jaraa’id qabtay uu waxa dhacay ku tilmaamay “fal-dambiyeed halis ah”, kadib markii shalay hawada laga celiyay diyaaraddii ay la socdeen xildhibaannada, taasoo ku socotay Garoowe.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard