Qaahira (Adduun.com) – Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta ayaa Axaddii si wadajir ah ugu heshiiyey in diblomaasiga ruug-caddaaga ah ee Masar, Nabil Fahmi, loo magacaabo xoghayaha guud ee cusub ee Jaamacadda Carabta, isagoo beddelaya Axmed Aboul Gheit oo xilkaas hayey tan iyo 2016-ka.
Go’aanka ayaa lagu gaaray shir fogaan arag ah oo ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah ururka, iyadoo Fahmi la filayo inuu si rasmi ah xilka ula wareego bisha July, marka uu dhammaado muddada labaad ee Aboul Gheit oo ku eg bisha June.
Magacaabistan ayaa sii xoojinaysa dhaqanka soo jireenka ah ee Masar ku haysay xilka ugu sarreeya Jaamacadda Carabta, maadaama xarunta ururku ay ku taallo magaalada Qaahira. Inkasta oo axdiga Jaamacadda Carabta uusan si rasmi ah u qorin in xilka xoghayaha guud uu gaar u yahay Masri, haddana inta badan waxaa qabtay mas’uuliyiin u dhashay Masar.
Marka laga reebo Chedli Klibi oo u dhashay Tunisia, kana soo shaqeeyey xilkaas intii u dhaxaysay 1979 ilaa 1990, dhammaan xoghayeyaashii guud ee kale waxay ahaayeen Masri. Klibi ayaa xilka qabtay xilli Masar laga hakiyey xubinnimada ururka kadib heshiiskii nabadeed ee ay la gashay Israel, markaas oo xarunta Jaamacadda Carabta si ku-meel-gaar ah loogu wareejiyey Tunis, ka hor inta aan dib loogu soo celin Qaahira.
Nabil Fahmi ayaa ka mid ah diblomaasiyiinta ugu caansan Masar. Wuxuu soo noqday wasiirka arrimaha dibadda ee Masar intii u dhaxaysay June 2013 ilaa July 2014, xilli dalkaasi uu ku jiray marxalad siyaasadeed oo adag kadib ridistii madaxweynihii islaamiga ahaa Maxamed Morsi.
Ka hor xilkaas, Fahmi wuxuu ahaa safiirka Masar u fadhiya Mareykanka intii u dhexeysay 1999 ilaa 2008, halka uu sidoo kale safiir uga soo noqday Japan intii u dhexeysay 1997 ilaa 1999. Wuxuu markii dambe door weyn ku yeeshay dhinaca tacliinta iyo siyaasadda arrimaha dibadda, isaga oo kaalin ka qaatay aas-aaska School of Global Affairs and Public Policy ee Jaamacadda American University in Cairo.
Fahmi wuxuu sidoo kale ka soo jeedaa qoys diblomaasiyadeed oo caan ah. Aabihii, Ismail Fahmi, wuxuu ahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee Masar intii u dhexeysay 1973 ilaa 1977, balse wuxuu iscasilay kadib markii uu ka hor yimid booqashadii taariikhiga ahayd ee madaxweynihii Masar Anwar Sadat uu ku tagay magaalada Qudus.
Jaamacadda Carabta oo la aasaasay sanadkii 1945, waxaa ku mideysan 22 dal oo Carbeed, waxayna tahay madasha ugu weyn ee iskaashiga siyaasadeed ee dunida Carabta. Hase yeeshee, marar badan ayay ku adkaatay inay mideyso mowqifyada xubnaheeda ama ay ka gudubto kala aragti duwanaanta xooggan ee ka dhex jirta dalalka xubnaha ka ah.
Fahmi ayaa xilka la wareegaya xilli gobolka uu wajahayo qalalaase isa soo taraya, oo ay ugu waaweyn yihiin dagaalka Gaza, colaadda Suudaan, xasillooni darrada Libya iyo Yemen, iyo dadaallada lagu xoojinayo doorka Syria kadib dib loogu soo celiyey Jaamacadda Carabta sanadkii 2023.
Magacaabistiisa ayaa la filayaa inay Masar sii siiso saameyn muuqata oo ay ku yeelato jihada ururka, xilli dowladaha Carabta ay raadinayaan cod mideysan oo wax ka qabta khilaafaadka sii xoogeysanaya ee gobolka.
