Addis Ababa (Adduun.com) — Sida lagu xaqiijiyay xogo cusub oo laga helay dayax-gacmeedka, dowladda Itoobiya ayaa si qarsoodi ah taageero milateri u siinaysa Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee Suudaan (RSF), iyadoo arrintaas u adeegsanaysa saldhig ay leeyihiin ciidamada qaranka oo ku yaalla meel u dhow xudduudda.
Cilmi-baarayaal ka tirsan Shaybaarka Cilmi-baarista Bani’aadanimo (HRL) ee Jaamacadda Yale ayaa xaqiijiyay dhaqdhaqaaqyo bilo socday oo muujinaya taageero milateri oo heer sare ah, taas oo ka dhacday saldhig ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) oo ku yaalla bannaanka magaalada Asosa ee galbeedka dalkaas.
Xogtan ayaa bixinaysa caddeyntii ugu horreysay ee rasmi ah oo muuqaal ah, taas oo muujinaysa in Addis Ababa ay si dhab ah u caawinayso kooxdan hubeysan ee dagaalka ba’an kula jirta Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF).
Dagaalka, oo bishii Abriil 2023 ka dhex dillaacay taliyaha ciidamada Suudaan Jen. Cabdulfataax Al-Burhaan iyo hoggaamiyaha RSF Jen. Maxamed Xamdaan Dagalo, ayaa sababay dhibaatadii bini’aadanimo ee ugu weyneyd adduunka, isagoo barakiciyay in ka badan 11 milyan oo qof.
“Tan iyo dayrtii sanadkii hore, waxaa jiray eedeymo sheegaya in Itoobiya ay RSF u oggolaatay inay weerarada ay ku beegsanayaan gobolka Blue Nile ay ka soo qaadaan gudaha Itoobiya,” ayuu Nathaniel Raymond, oo ah agaasimaha fulinta ee Yale HRL, u sheegay warbaahinta Middle East Eye. “Itoobiyaanku keliya ma caawinayaan RSF, balse waxay arrintaas ka sameynayaan saldhig rasmi ah oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya.”
Sawirrada dayax-gacmeedka ee ay falanqeeyeen shaybaarka Yale HRL ayaa muujinaya in taageerada ka imaanaysa saldhigga Asosa ay soo bilaabatay ugu yaraan bishii Nofembar.
Laga soo bilaabo bishii Diseembar ilaa dhammaadkii bishii Maarso 2026, xilli RSF ay xoojisay weeraradeeda xudduudka isaga tallaabaya ee ay ku qaadday gobolka Blue Nile ee Suudaan, baabuurta xamuulka qaada ee ganacsiga ayaa si joogto ah u galayay uguna baxayay saldhigga Itoobiya. Falanqeeyayaasha ayaa bishii Febraayo oo keliya goobtaas ku arkay ilaa 200 oo baabuurta dagaalka ah (tikniko).
Sawirrada ayaa muujiyay in kooxo farsamoyaqaanno ah ay baabuurta aan hubeysnayn ku rakibeen qalab lagu xiro qoryaha waaweyn ee darandoorriga u dhaca ee dhexroorkoodu yahay .50-calibre. Goobta waxaa sidoo kale soo gaaray konteenaro xamuul ah, iyadoo shaqaaluhuna ay halkaas ka taageen shan ilaa 15 teendho oo waaweyn oo qaadi kara ilaa 150 dagaalyahan.
Yale HRL ayaa kormeertay 14 saldhig oo kale oo ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin gobolka, mana aysan helin dhaqdhaqaaq la mid ah kan Asosa, taas oo saldhiggan ka dhigaysa xarun saad oo u gaar ah hawlgalkan. Warbixinta Yale HRL ayaa Asosa ku sifeysay “xudun muhiim u ah saadka” oo ku taal meel ku habboon in lagu bixiyo sahayda, shidaalka iyo dayactirka baabuurta ciidamada RSF ee ka dhex dagaallamaya gudaha Suudaan.
Xiriirka Imaaraadka
Ilo dhanka diblomaasiyadda iyo sirdoonka ah ayaa tilmaamaya inImaaraadka Carabta uu weli yahay naqshadeeyaha ugu weyn ee shabakaddan saadka ee qarsoon.
Imaaraadka ayaa muddo dheer xiriir qoto dheer la lahaa RSF, isagoo horay kooxdan hubeysan ugula shaqeeyay sugidda dhoofinta dahabka Suudaan iyo daadgureynta dagaalyahanno ka qaybgala dagaalka Yemen.
Sawirro iyo muuqaallo intarnetka la soo galiyay ayaa baabuurtan dib-u-habeynta loogu sameeyay Asosa la xiriirinaya magaalada Berbera, oo ah magaalo xeebeed istaraatiiji ah oo ku taalla Somaliland, isla markaana martigelisa saldhig weyn oo uu Imaaraadku leeyahay.
Muuqaallo la duubay dabayaaqadii sanadkii 2025 ayaa muujinaya baabuurta xamuulka oo Berbera ka daabulaya baabuur tikniko ah oo midabbo cad iyo buni leh, kuwaas oo loo waday gudaha Itoobiya. Waddadan saadka ayaa iftiiminaysa isbeddel weyn oo dhanka juquraafi-siyaasadeedka ah oo ka dhacay Geeska Afrika.
Bishii Janaayo 2024, Itoobiya ayaa ka careysiisay dowladda federaalka ee Muqdisho kaddib markii ay heshiis is-afgarad oo muran dhaliyay la saxiixatay Somaliland si ay u hesho marin-biyood. Soomaaliya ayaa intaas kaddib laashay heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka, taas oo sii xoojisay isbahaysiga istaraatiijiyadeed ee saddex-geesoodka ah ee u dhexeeya Abu Dhabi, Addis Ababa iyo maamulka Somaliland.
Xogta la socodka duulimaadyada ayaa sidoo kale muujinaysa dhowr diyaaradood oo nooca xamuulka ee IL-76, kuwaas oo xiriir la leh Imaaraadka, inay ka duuleen Abu Dhabi una kicitimeen garoomo ku yaalla Itoobiya, oo ay ku jirto magaalada Bahir Dar. Garoonka diyaaradaha ee Asosa, Yale HRL ayaa bilaha Febraayo iyo Maarso ku aqoonsatay diyaarado gaadiid ah, oo ay ku jiraan helicopter nooca MI-17 ah iyo diyaarad xamuul oo ah C-130, kuwaas oo la nooc ah kuwa uu adeegsado Imaaraadka Carabta. Xukuumadda Abu Dhabi ayaa marar badan beenisay inay sahay siiso RSF.
Baabuurtii dib-u-habeynta loogu sameeyay saldhigga Itoobiya ayaa si degdeg ah loogu daadgureeyay furimaha dagaalka. Baabuurta tiknikada ee la cabbir, la midab, iyo la hub ah kuwii lagu arkay Asosa ayaa ka soo muuqday muuqaalladii dagaalladii u dambeeyay ee RSF ay ku qaadday Kurmuk, oo ah magaalo xudduudda Suudaan ku taalla, una jirta 100 kiiloomitir oo keliya.
RSF iyo dagaalyahanno xulafo la ah oo ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Shacabka Suudaan ee Waqooyiga (SPLM-N) ayaa dhammaadkii bishii Maarso la wareegay magaalada Kurmuk kaddib dagaal qaraar.
