Tel Aviv (Adduun.com) – Saraakiisha sare ee Israa’iil ayaa haatan aaminsan in nidaamka talada haya ee dalka Iiraan uusan dhici doonin xilligan dhow, iyadoo madaxda Tehran ee la wiiqay ay weli si buuxda u maamulayaan dalka, xaaladda gudahana aysan weli ahayn mid u bisil kacdoon dadweyne, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.
Ku dhawaad laba toddobaad kadib markii uu dagaalku qarxay, hoggaanka milatari iyo kan siyaasadeed ee Iiraan ayaa u muuqda kuwo shaqeynaya oo si dhaw uga falcelinaya dhacdooyinka, halka mucaaradka gudaha ay si weyn u cabsi galiyeen ciidamada ammaanka oo hawlgalo adag wada.
Israa’iil ayaa qiimeysay in wax-ka-beddelka xaaladdan ay u baahan doonto in dagaalku uu sii socdo toddobaadyo ama bilooyin kale, taasi oo ka dhigan in qorshaha dagaalka uu illaa hadda yahay mid aan lagu guuleysan, sida uu qoray wargeyska The Wall Street Journal.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Khamiistii shaaca ka qaaday in uusan hubin in shacabka Iiraan ay awoodi doonaan inay ridaan Jamhuuriyadda Islaamiga ah, in kasta oo uu xusay in dalkiisu uu ka shaqeynayo abuurista jawi arrintaas suurtageliya.
“Sida dhabta ah idiinma sheegi karo in shacabka Iiraan ay ridi doonaan nidaamka,” ayuu yiri Netanyahu. “Haddii uusan dhicinna, wuxuu noqon doonaa mid aad u tabar daran.”
Milatariga Israa’iil ayaa Khamiistii soo bandhigay yoolal aad u xaddidan, iyagoo diiradda saaraya wiiqida awoodda milatari ee Iiraan si aysan khatar weyn ugu noqon Israa’iil iyo gobolka.
Afhayeenka milatariga Nadav Shoshani ayaa suxufiyiinta u sheegay in shaqada ciidamadu ay tahay in marka ay arkaan khatar ay yareeyaan, dibna u riixaan inta suurtagalka ah. Wuxuu xusay in tallaabooyinka intaas xiga ee heerar kala duwan ah ay ka baxsan yihiin awoodda milatariga.
Si kastaba ha ahaatee, Washington iyo Tel Aviv ayaa la filayaa inay sii wadaan cadaadiska dhaqaale iyo hawlgallada qarsoodiga ah xitaa haddii xabadda la joojiyo.
In kasta oo Madaxweyne Donald Trump iyo Netanyahu ay markii hore ugu baaqeen shacabka Iiraan inay la wareegaan maamulka dalkooda, saraakiisha Mareykanka ayaa haatan ulaabtay ujeeddooyin ka kooban burburinta awoodda milatari, barnaamijka nukliyeerka iyo keydka gantaallada riddada dheer.
Dhankiisa, Netanyahu ayaa weli si fagaare ah ugu dhiirrigelinaya Iiraaniyiinta inay u diyaar garoobaan inay isugu soo baxaan waddooyinka, isagoo tilmaamay in waqtigii ficilka la qaadi lahaa uu soo dhow yahay, wuxuuna si maldahan u sheegay in Israa’iil ay Iiraan u hayso waxyaabo lala yaabo.
Adkeysiga nidaamka Iiraan
Nidaamka Tehran ayaa muujiyay adkeysi isagoo sii wada weerarada aargoosiga ah, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay Mareykanka, xulafadiisa, iyo dhaqaalaha caalamka. Habeenkii Arbacada, laba markab oo shidaal sida ayaa lagu weeraray xeebaha Ciraaq, taas oo daba socotay weeraro lagu qaaday maraakiib xamuul oo horseeday in gabi ahaanba la xiro marinka muhiimka ah ee Marinka Hormuz.
Dadka deegaanka magaalada Dubai ayaa Jimcihii ka warbixiyay dhawaqa gantaallo digniin ah iyo nidaamyada difaaca hawada oo hawlgalaya, iyadoo waddamada Khaliijka sida Baxreyn iyo Sacuudi Carabiya ay weli bartilmaameed u yihiin duqeymaha. Dhanka kale, laamaha amniga Iiraan ayaa si buuxda u xakameeyay jidadka waaweyn ee dalkaas.
Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa Khamiistii baahisay bayaan ay u nisbeeyeen Hoggaamiyaha cusub ee Sare, Aayatullaahi Mojtaba Khamenei, kaas oo noqonaya kiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu beddelay aabbihiis oo lagu dilay duqeymihii bilowgii dagaalka.
Bayaankan ayuu ku wacad maray inuu aargoosan doono, wuxuuna amar ku bixiyay in marinka Hormuz la sii xirnaado, isagoo ku hanjabay inuu furi doono furimo cusub oo dagaal. Balse, bayaanka ayaan la socon wax cod ama muuqaal ah, taas oo abuurtay shaki iyo mala-awaal ku aaddan xaaladdiisa dhabta ah.
Khubarada istaraatiijiyadda iyo saraakiishii hore ee difaaca Israa’iil ayaa qaba in abuurista xaalad lagu rido nidaam ay tahay hawl adag.
Amir Avivi, oo horay u soo noqday sarkaal sare oo dhanka difaaca ah, ayaa sheegay in cadaadis milateri oo la sii wado dhowr toddobaad uu gogol-xaar u noqon karo kacdoon, balse natiijadu ay tahay mid aan la saadaalin karin. Wuxuu xusay in la go’aamiyay in la abuuro xaalad dadku waddooyinka isugu soo baxaan, balse “weli halkaas ma aannaan gaarin.”
Assaf Orion, madaxii hore ee qorsheynta istaraatiijiyadda milatariga, ayaa isna sheegay in aysan jirin hanaan cad oo xaqiijinaya in olole milateri uu keeno isbeddel nidaam, isagoo yiri, “Dagaalka waxaa loo qorsheeyay inuu socdo toddobaadyo, laakiin geedi-socodkani wuxuu qaadan karaa sanado.”
Fashil qirashada Israa’iil
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Gideon Sa’ar ayaa wargeyska Times of Israel u xaqiijiyay in ficil milateri oo kaliya uusan ridi karin nidaamka, taasina ay tahay arrin u baahan in shacabka Iiraan ay iyagu sameeyaan, inta badanna ay dhacdo marka uu dagaalku istaago.
Sirdoonka Israa’iil ayaa goor hore ogaa in wiiqida nidaamka ay waqti qaadanayso, iyagoo wajahayay waqti is-gura tan iyo markii uu dagaalku bilowday.
Kadib markii ay la wareegeen gacan-ku-haynta hawada Iiraan, diyaaradaha Israa’iil ayaa si dhab ah u bartilmaameedsaday xarumaha iyo saldhigyada laga hago ciidamada cabburinta gudaha, iyagoo rajeynaya inay abuuraan fursad kacdoon, waxaana duqeymahaas la kordhiyay maalintii Arbacada.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Trump ayaa toddobaadkan xusay in dagaalku uu dhowaan dhammaan karo. In kasta oo Israa’iil ay rajaynayso waqti dheeri ah oo ay ku dagaallanto, haddana madaxdeedu way ogyihiin in Trump uu wajahayo cadaadis gudaha dalkiisa ah oo ku qasbi kara inuu si lama filaan ah u soo afjaro dagaalka.
Haddii lagu guuldareysto in la rido nidaamka, khubarada sida Orion ayaa ka digaya in Israa’iil ay wejihi doonto xukuumad mayal adag oo aad u dhiirratay marka uu dagaalku istaago.
Ma jirto hanaan cad oo xukunka looga tuurayo nidaamka Tehran. Madaxweyne Trump ayaa asbuucii hore la yimid fikradda ah in Kurdiyiinta lagu soo daro dagaalka. Balse kooxaha hubeysan ee Kurdiyiinta Iiraan — oo inta badan fadhigoodu yahay dalka deriska ah ee Ciraaq iyo goobaha xuduudka ah — ayaa sheegay in xaaladdu aysan ahayn mid saamaxaysa arrintaas, maadaama ciidamada dowladda Iiraan ay weli aad u xooggan yihiin.
Awoodda Ilaalada Kacaanka
Gudaha Iiraan, in kasta oo ay jirto caro xooggan oo shacabku u qabo dowladda, xukuumaddu waxay weli leedahay awoodda isticmaalka ciidanka.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in xubno ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) iyo ciidamada dharcadda ee Basij ay si joogto ah uga dhex muuqdaan waddooyinka caasimadda Tehran iyo magaalooyinka kale.
Ciidamada amniga ayaa ugu hanjabay dadka isku daya inay banaanbaxyo dhigaan in toos loo toogan doono, taas oo cabsi weyn ku abuurtay shacabka, soona celinaysa xusuusta cabburintii dhacday bishii Janaayo ee lagu dilay kumannaan qof oo ka soo horjeeday dowladda.
Ciidamadan ayaa la qabsaday duqeymaha, tusaale ahaan, inkastoo magaalada Isfahan ay la kulantay weeraro culus oo kaga imanayay Israa’iil, ciidamada amniga ayaa u muuqda inay weli gacanta ku hayaan magaalada, iyadoo xubnaha Basij ay mootooyin ku dhex mushaaxayaan waddooyinka iyagoo wata hub iyo calanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
Dad badan oo ka soo horjeeda dowladda ayaa aaminsan in in lala dagaallamo hoggaamiyeyaashooda xaaladdan hadda lagu jiro, iyadoo aan la hubin in taageerada milatari ee shisheeye ay sii socon doonto, ay la mid tahay is-dilid.
Qof ku nool magaalada Isfahan ayaa sheegay inuu asxaabtiisa la kulmay habeenkii Arbacada, ayna meesha ka saareen inay dib u bilaabaan banaanbaxyada xilligan, maadaama rajo-xumo iyo cabsi badan ay hareereysay.
Haweeney ku nool magaalada Mashhad ayaa dhankeeda sheegtay in mucaaradka dowladda ay weli doonayaan inay ridaan Jamhuuriyadda Islaamiga ah, balse ay go’aansadeen inay guryahooda iska joogaan si ay uga badbaadaan gacan-ka-hadal.
Ugu dambeyn, muwaadin ku sugan magaalada waqooyiga dhacda ee Rasht ayaa xusay in ay tahay wax aan caqli-gal ahayn in lagu tiirsanaado dad rayid ah oo aan hubeysnayn si ay u ridaan nidaam lagu eedeeyay inuu shacabkiisa xasuuqo, isagoo ka digay in tallaabadaasi ay horseedi doonto daadasho dhiig oo baaxad leh.
