Tehran (Adduun.com) — Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabaas Caraqji, ayaa sheegay in Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalkaas, Aayatulaahi Cali Khamenei, iyo Madaxweyne Mascuud Pezeshkian ay wali nool yihiin “inta uu isagu ka warqabo,” xilli ay si weyn u faafayaan warar ku saabsan xaaladdooda kadib duqeymihii culusaa ee isbaheysiga Mareykanka iyo Israa’iil ay Sabtidii la beegsadeen caasimadda Tehran.
Wasiir Caraqji oo u warramayay telefishinka NBC ee dalka Mareykanka ayaa ku adkeystay in xaaladdu ay tahay mid “gacanta lagu hayo,” isagoo xaqiijiyay in inta badan mas’uuliyiinta sarsare ee dowladda ay badqabaan, balse wuxuu qiray in la beegsaday dhowr sarkaal oo ka tirsan milateriga.
Haddalkan ayaa kusoo beegmaya xilli warbaahinta Israa’iil ay baahinayso xog qiimeedyo isa soo taraya oo kasoo baxaya taliska milateriga Israa’iil, kuwaas oo muujinaya suurtagalnimada in Khamenei lagu dilay duqeymahaas.
Shabakadda wararka ee Channel 12, oo soo xiganaysa ilo wareedyo sirdoon oo diiday in magacooda la xuso, ayaa warisay in dowladda Israa’iil ay aaminsan tahay in hoggaamiyaha Iiraan la khaarajiyay, inkastoo xukuumadda Tel Aviv aysan weli si rasmi ah u xaqiijin warkaas.
Sidoo kale, telefishinka dowladda Israa’iil ee Kan ayaa sheegay in gabi ahaanba la waayay isgaarsiintii lala lahaa Khamenei, xaaladdiisuna ay tahay mid aan la ogeyn, balse la filayo in dhowaan la baahiyo khudbad uu isagu horay u sii duubay.
Dhinaca kale, wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa saddex ilo-wareed oo xog-ogaal ah ayaa tebisay in Wasiirkii Gaashaandhigga Iiraan, Amiir Nasiirsaadeh iyo Taliyihii Ciidamada Ilaalada Kacaanka (IRGC), Maxamed Baakbuur, la rumeysan yahay inay ku dhinteen weerarada Israa’iil.
Warar aan weli madax-bannaan loo xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in la beegsaday Cali Shamkhani oo ah la-taliye sare oo dhanka amniga u qaabilsan Khamenei, waxaana ilo wareedyo ku dhow nidaamka Tehran ay xaqiijiyeen dhimashada dhowr sarkaal oo sarsare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka iyo mas’uuliyiin siyaasadeed.
Wakaaladda wararka dowladda Iiraan ee Tasnim ayaa dhankeeda xaqiijisay in la duqeeyay goobo u dhow madaxtooyada iyo dhismaha uu degan yahay Khamenei. Si kastaba ha ahaatee, sarkaal Iiraani ah ayaa u sheegay Reuters in hoggaamiyaha uusan ku sugnayn Tehran xilligii uu weerarku dhacayay, horayna loogu daadgureeyay goob ammaan ah.
Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in Madaxweyne Pezeshkian uu nabad qabo, isaga iyo mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Baaqir Qalibaf, Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabaas Caraqji, Taliyaha Guud ee Ciidanka Iiraan Amiir Xaatami iyo Madaxa Garsoorka Gholam-Xuseen Muxseni-Ejei.
Sida uu qabo Qodobka 111-aad ee Dastuurka Iiraan, haddii ay dhab noqoto geerida Khamenei, waxaa awoodihiisa shaqo si kumeel-gaar ah ula wareegaya guddi ka kooban saddex xubnood oo kala ah Madaxweynaha, Madaxa Garsoorka, iyo xubin sharci-yaqaan ah oo ka tirsan Golaha Ilaaliyeyaasha Kacaanka, ilaa laga soo dooranayo hoggaamiye ruuxi ah oo cusub.
Hay’adaha warbaahinta madaxa-bannaan ayaan ilaa hadda si dhab ah u xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weeraradan iyo xaaladda rasmiga ah ee madaxda sare ee Iiraan.
