Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Iran oo sheegtay in aysan weerarin xarumaha shidaalka Sacuudiga – Su’aal ka taagan cidda fulisay - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Iran oo sheegtay in aysan weerarin xarumaha shidaalka Sacuudiga – Su’aal ka taagan cidda fulisay


Tehran (Adduun.com) – Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Iiraan, Majid Takht-Ravanchi ayaa wareysi uu goordhow siiyay warbaahinta CNN ku sheegay in dowladdiisu aysan wax lug ah ku lahayn weerarradii maanta lagu qaaday Sacuudiga.

Weerarradan ayaa lagu beegsaday kaabayaasha dhaqaale ee ugu muhiimsan ee Sacuudiga, kuwaas oo ay ka mid yihiin warshadaha iyo xarumaha shidaalka ee dalkaas.

Takht-Ravanchi ayaa sheegay in Iiraan ay la xiriirtay dowladda Sacuudiga, isla markaana ay u xaqiijisay inaysan mas’uul ka ahayn weerarradaasi.

“Waxaan la xiriirnay walaalaheen Sacuudiga, waxaana u xaqiijinay inaysan Iiraan fulin weerarradii maanta ka dhacay warshadaha iyo xarumaha shidaalka,” ayuu yiri wasiirka.

Weerarradan oo sababay qaraxyo iyo khasaare soo gaaray qaar ka mid ah xarumaha lagu sifeeyo shidaalka, ayaa sare u qaaday xiisadda ka taagan gobolka Khaliijka, xilli ay horey u jireen eedeymo is-daba joog ah oo la xiriira amniga kaabayaasha tamarta.

Ilaa iyo hadda ma cadda cidda ka dambeysa weerarradaasi, hase yeeshee hadalka ka soo baxay Tehran ayaa abuuray su’aalo ku saabsan suuragalnimada in dhinac kale uu ku lug leeyahay falalkan, si uu uga faa’iideysto xaaladda cakiran ee gobolka.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda gobolka ayaa is weydiinaya in ay jirto cid kale oo xiisaddan ka faa’iideysaneysa, si dalalka Carabta loogu qasbo inay taageeraan ama oggolaadaan sii socoshada duullaanka ka dhanka ah Iiraan.

Sidoo kale waxaa jira tuhun ku saabsan in Iiraan ay adeegsaneyso istaraatijiyad ku dhisan abuuridda shaki iyo jahawareer siyaasadeed, si ay uga fogaato eedeymaha loo jeedinayo.

Si kastaba, waqtiga ayaa muujin doona xaqiiqda dhabta ah ee ka dambeysa weerarradan iyo cidda mas’uulka ka ah.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard