Tehran (Adduun.com) – Dowladda Iiraan ayaa shaacisay khasaaraha baaxadda leh ee ka dhashay dagaalka ay kusoo qaadeen Mareykanka iyo Israa’iil.
Warbaahinta Iiraan oo soo xiganeysa madaxa hay’adda baarista maydadka ee dalkaas, Abbas Masjedi Arani ayaa sheegtay in in ka badan 3,000 oo qof ay ku dhinteen Iiraan tan iyo markii uu bilowday dagaalka 28-kii Febraayo ee sanadkan.
Mas’uulkan ayaa tilmaamay in tiradan ay tahay mid hordhac ah, isla markaana ay suuragal tahay inay sii kororto maadaama dagaalka uu weli socdo, isla markaana ay jiraan meelo badan oo aan wali si buuxda loo baarin khasaaraha ka dhashay.
Wuxuu intaas ku daray in hay’adda, oo si dhow ula shaqaynaysa waaxda garsoorka ay isugu gaysay dhammaan awooddii iyo agabkii la heli karay si loo maareeyo khasaaraha dhacay, isagoo hoosta ka xariiqay in dadaallada aqoonsiga meydadka ay weli socdaan.
Dhanka kale, hay’adaha madaxa bannaan ayaa soo bandhigaya tirooyin ka duwan kuwa ay bixinayso dowladda Iiraan. Hay’adda Human Rights Activists News Agency (HRANA), oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa sheegtay in ilaa 7-da April ay diiwaangelisay dhimashada 1,701 qof oo rayid ah, kuwaas oo ay ku jiraan ugu yaraan 254 carruur ah.
HRANA waxay sidoo kale sheegtay in 1,221 askari ay dhinteen muddadaas, halka 714 dhimasho oo kale aan si rasmi ah loo kala saarin, taasoo ka dhigaysa tirada guud mid aad u sareysa marka la isku daro dhammaan qaybaha kala duwan.
Warbixinta HRANA ayaa iftiimisay in dadka rayidka ah ay si gaar ah ugu nugul yihiin weerarrada socda, iyadoo carruurta iyo haweenka ay yihiin kuwa ugu badan ee dhibaatadu gaarto.
Si kastaba, helitaanka xog sax ah oo ku saabsan khasaaraha dagaalka ayaa ah mid aad u adag, maadaama Iiraan ay si weyn u xaddiday gelitaanka warbaahinta caalamiga ah iyo hay’adaha madax-bannaan.
Hay’adaha wararka ee caalamiga ah inta badan looma oggola fiisooyin ay ku galaan Iran, taasoo si weyn u curyaamineysa awooddooda ay si madax-bannaan ugu xaqiijiyaan wararka ka imanaya gudaha dalkaasi.
Intaa waxaa dheer, go’doomin dhinaca internet-ka ah oo muddo dheer socotay ayaa sii xumeysay xaaladda, iyadoo bogga NetBlocks uu sheegay in hakadkaasi uu galay maalintii 41-aad, taasoo adkeynaysa in si hufan loo helo xogta dhabta ah ee ka jirta gudaha Iiraan.
Dalalka Iiraan iyo Mareaykanka ayaa maalintii Talaadada ku dhawaaqay xabad-joojin soconaysa muddo labo toddobaad ah, taas oo ujeedadeedu tahay in waddo loo xaaro heshiis kama dambays ah oo lagu soo afjarayo dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen dalka Iiraan 28-kii bishii Febraayo.
Heshiiskaas oo haatan cago badan ku taagneyn kadib sii socoshada weerarrada Israa’iil ee Lubnaan ayaa waxaa qayb weyn ka ahaa dadaallo diblomaasiyadeed oo ballaaran oo ay garwadeen ka ahayd Pakistan.
Heshiiska labada toddobaad ah ayaa dhigayay in la hakiyo weerarrada labada dhinac inta lagu guda jiro muddada xabbad-joojinta, ayna bilaabmaan wada-hadallada lagu raadinayo xal waara.
