Ankara (Adduun.com) – Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga aya shaacisay in nidaamka difaaca hawada ee NATO uu fashiliyey gantaal riddadiisu dheer tahay oo nooca Ballistic-ga ah, kaas oo laga soo tuuray dhanka Iiraan.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in gantaalkaasi uu ku wajahnaa hawada Turkiga, islamarkaana si degdeg ah loo qabtay kahor inta uusan gaarin bartilmaameedkiisa.
Waxaa la tilmaamay in xilliga la tooganayay uu marayay hawada badda Mediterranean-ka, halkaas oo nidaamka difaacu ku guuleystay inuu burburiyo.
Haraadiga gantaalka ayaa la sheegay inuu ku soo dhacay degmada Dörtyol ee gobolka Hatay, taas oo ku taalla koonfurta Turkiga.
Wasaaraddu waxay caddeysay inaysan jirin wax dhimasho ama dhaawac ah oo ka dhashay burburkaasi, isla markaana aanay waxyeello soo gaarin dadka rayidka ah.
Sidoo kale, waxay xustay in Turkigu si buuxda ugu heegan yahay difaaca qarankiisa, ayna qaadi doonaan tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si loo ilaaliyo amniga dalka.
“Turkigu wuxuu leeyahay awood uu ku ilaashado dhulkiisa iyo muwaadiniintiisa, cid kasta iyo meel kasta oo khatar ka imanaysaba,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli colaadda Bariga Dhexe ay sii xoogaysanayso, taas oo sare u qaadaysa walaaca laga qabo amniga guud ee gobolka.
Si kastaba, Iiraan ayaa sii wada weerarro ay ku sheegtay aargudasho, kuwaas oo ay ku beegsanayso saldhigyada Mareykanka iyo dalal ka tirsan Khaliijka Carabta, kuwaas oo daba socda duqeymo ay iska kaashadeen Mareykanka iyo Israa’iil oo lagu dilay hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee Aayatullaahi Cali Khamenei.
SIRDOON & QISO
Qisada Ninkii Siliga ku dilay Xaaskiisa | Qisadeena Labaad
SIRDOON & QISO
Basaasadii Cuuryaanka aheyd | Virginia Hall |
SIRDOON & QISO
Basaasadii Masar ku beertay ciidanka ISR |
SIRDOON & QISO
Shabakadii BASAAS ee Kalkaalisada ka aheyd ka GAZA |
