Muqdisho (Adduun.com) – Xiisadda ka taagan marin biyoodka muhiimka ah ee Hormuz ayaa sii xoogeysaneysa, kadib markii dowladda Iiraan ay shuruudo adag ku xirtay maraakiibta doonaya inay maraan marinkan, xilli uu si kulul uga falceliyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Iiraan, Saeed Khatibzadeh ayaa sheegay in marinka Hormuz uu weli furan yahay, balse maraakiibta Mareykanka iyo kuwa kale ay mari karaan oo keliya “haddii aysan si cadowtinimo ah u dhaqmin.”
Wuxuu sidoo kale xusay in maraakiibtu ay qasab ku tahay inay la shaqeeyaan ciidamada Iiraan, isagoo arrintaas ku macneeyay “xaddidaad farsamo oo jirta.”
Khatibzadeh ayaa carrabka ku adkeeyay in Tehran ay dammaanad qaadayso badbaadada maraakiibta, isagoo yiri “waxaan hubin doonnaa inay si ammaan ah u maraan maraakiibta”.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in tirada maraakiibta ka gudbeysa marinka Hormuz ay aad u yar tahay tan iyo markii lagu dhawaaqay xabbad-joojinta labada toddobaad ee u dhexeysay Iiraan iyo Mareykanka, taasoo ahayd mid lagu heshiiyay in si xor ah loo isticmaalo marinkan muhiimka u ah ganacsiga caalamiga ah.
Dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si caro leh uga falceliyay xaaladda, isagoo ku eedeeyay Iiraan inay jebisay heshiiskii la gaaray.
Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social ku yiri, “Iiraan waxay qabaneysaa shaqo aad u liidata – tani ma aha waxa aan ku heshiinay!”
Trump ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan warar muujinaya in Iiraan ay lacago ka qaadeyso maraakiibta isticmaalaya marinka Hormuz, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, wuxuuna ka digay in tallaabo degdeg ah laga qaado haddii ay sii socoto.
Dhinaca kald, warbixin laga helay MarineTraffic ayaa muujineysa in kaliya 18 markab ay ka gudbeen marinka tan iyo markii lagu dhawaaqay xabbad-joojinta Talaadadii, iyadoo afar ay mareen Arbacadii, 10 Khamiistii, iyo afar kale Jimcaha maanta.
Maraakiibtaas qaar ka mid ah ayaa la sheegay inay xiriir la leeyihiin Iiraan, halka kuwo kale ay horey Mareykanku cunaqabatayn ugu soo rogeen, oo ay ku jiraan markab sitay calanka Ruushka oo la saaray liiska cunaqabataynta bishii July 2025.
Sidoo kale, xogta la helay ayaa muujineysa in qaar ka mid ah maraakiibtaasi ay leeyihiin shirkado ka kala socda dalal ay ka mid yihiin Hindiya, Shiinaha iyo Giriigga, taasoo muujineysa sida ay u adag tahay in si buuxda loo fahmo cidda ka dambeysa dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee marinkan xasaasiga ah.
