Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Immisa Xildhibaan ayaa loo baahanyahay si loo ansixiyo dastuurka dalka? - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Immisa Xildhibaan ayaa loo baahanyahay si loo ansixiyo dastuurka dalka?


Muqdisho (Adduun.com) – Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa saaka lagu wadaa in kulan xasaasi ah ay ku yeeshaan Villa Hargeysa, iyadoo jawiga xarunta uu dagan yahay.

Guddoonka sare ayaa goor hore xubnaha labada Aqal u diray farriin wargelin ah oo loogu sheegay in maanta lagu meel-marinayo wax ka beddalka dastuurka, si loo dhammeystiro.

Ajendaha ayaa ah ansixinta cutubka 4-aad ilaa 13-aad ee dastuurka, kaas oo ay kasoo doodeen mudanayaasha labada Aqal, maadaama wax ka beddal lagu sameeyay.

Dhinaca kale, ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo ciidamo dheeraad ah la dhigay aagga xarunta Baarlamaanka iyo waddooyinka Muqdisho, sida ay soo sheegayaan dad goobjoogayaal ah.

Haddaba immisa Xildhibaan ayaa loo baahanyahay si loo ansixiyo dastuurka dalka?

Sida uu qorsheeyay guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa maanta dhaceysa codeynta dastuurka, iyadoo go’aan looga gaarayo wax ka beddalka cutubyada wax laga beddalay ee dastuurka KMG ka ah.

Si loo helo aqlabiyadda Baarlamaanka, waxaa lama huraan ah in fadhigan lagu dhammeystirayo dib u eegista dastuurka in ay soo xaadiraan illaa 220 Mudane oo kala ka tirsan labada Aqal (Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare).

Sidoo kale, haddii tirada guud ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ay tahay 275 Mudane waxaa qasab ah in fadhiga ay soo xaadiraan saddex meelood laba meel oo ka dhigaysa in laga rabo ugu yaraan in ay yimaadaan kulanka 184 Mudane.

Senatorrada Aqalka Sare oo tiradoodu tahay 54 Mudane, iyaguna waxaa looga baahanyahay in kulanka maanta ay soo xaadiraan saddex meelood laba meel, taas oo tirada ka dhigaysa ugu yaraan 36 Senator in fadhiga ay yimaadaan.

Si kastaba, ha’ahaatee Villa Soomaaliya oo kaashaneysa guddoonka sare ee Baarlamaanka ayaa haatan wadda dadaal xooggan oo ku aadan meel-marinta qorshaheeda, waxaase taagan dood xooggan oo ay qabaan xildhibaannada mucaaradka ee u badan kuwa kasoo jeedo Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo intii ay socotay doodda si cad u diiday qorshaha wax ka beddalka dastuurka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard