Washington (Adduun.com) – Dokumiintiyo maxkamadeed ayaa daaha ka qaaday in sarkaal hore uga tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Mareykanka (Komaandooska) uu malaayiin doolar ka sameeyay dilal qorsheysan oo uu dowladda Imaaraadka Carabta uga fuliyay gudaha dalka Yemen.
Warbixintan, oo ay baahisay jariidadda New York Post, maalintii Khamiista, ayaa lagu xusay magaca Abraham Golan oo ah calooshiis-u-shaqeyste lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay isku-daygii dil ee lala beegsaday siyaasiga iyo xildhibaanka reer Yemen ee lagu magacaabo Anssaf Ali Mayo, kaas oo dirqi uga badbaaday isku-daygaas, isagoo haatan dacwadan gudbiyay.
Golan iyo Isaac Gilmore, oo isna hore uga tirsanaa ciidamada badda Mareykanka ee loo yaqaan Navy SEALs, ayaa bishii Ogosto 2015 wada aasaasay shirkad lagu magacaabo Spear Operations Group.
Sida ku cad dacwadda ay xiganeysa New York Post, raggan ayaa dowladda Imaaraadka u bandhigay, lana galay heshiis dhigaya inay Abu Dhabi u fuliyaan “dilal qorsheysan.” Beddelka shaqadaas, shirkadda Spear ayaa bishii la siinayay lacag dhan $1.5 Milyan oo dollar, oo ay wehliyaan lacago abaalmarin ah (Bonuses) oo la siinayo marka ay si guul ah u fuliyaan khaarajinta loo diro.
“Waxaa Yemen ka jiray barnaamij dilal qorsheysan ah. Aniga ayaa maamulayay. Waanu fulinay. Waxaana oggolaanshaheeda bixisay dowladda Imaaraadka oo qayb ka ahayd isbaheysiga,” ayuu yiri Golan, sida ku cad doukumiintiyada maxkamadda.
Heshiiskii Abu Dhabi iyo doorka Dahlan
Heshiiska u dhexeeya shirkadda Spear iyo Imaaraadka ayaa lagu saxiixay magaalada Abu Dhabi, intii lagu guda jiray kulan ay New York Post sheegtay inuu goobjoog ka ahaa Mohammed Dahlan, oo ah siyaasi Falastiini ah oo masaafuris ku maqan, balse markii dambe noqday la-taliyaha Madaxweynaha Imaaraadka, Maxamed bin Saayid Al Nahyan.
Jariidadda Buzzfeed ayaa sanadkii 2018-kii daabacday sawir muujinaya Gilmore, Golan iyo Dahlan oo wada socda.
Markii la saxiixay heshiiska, Golan iyo Gilmore ayaa qoray xubno hore uga tirsanaan jiray milateriga, oo uu ku jiro Dale Comstock, oo ahaan jiray sarkaal ka tirsan Ciidamada Gaarka ah ee Milateriga Mareykanka. Sarkaalkan ayaa bishii la siin jiray $40,000 oo dollar iyo abaalmarino dheeri ah, si uu u hoggaamiyo kooxda fulineysay dilalka.
Sida ay qortay New York Post, Golan ayaa dilalka qorsheysan ee uu u fulinayay Imaaraadka waxa uu kasoo maleegayay qasri aad u weyn oo ku yaalla magaalada San Diego ee dalka Mareykanka, kaas oo qiimihiisu dhan yahay 7 milyan oo doolar.
Beegsiga xubnaha xisbiga Al-Islah
Baaritaan hore oo ay sameysay jariidadda Buzzfeed ayaa daaha ka qaaday in Imaaraadku uu calooshood-u-shaqeystayaashan u kireystay si ay u khaarajiyaan xubnaha sare ee xisbiga Al-Islah, oo ah laanta Yemen ee ururka Ikhwaanul Muslimiin.
Warbixintaas waxaa qayb ka ahaa muuqaal diyaaradaha Drones-ka laga helay oo la dusiyay, kaas oo muujinayay isku-day fashilmay bishii Diiseembar 2015 oo la doonayay in lagu dilo xildhibaan Mayo iyo cid kasta oo ku sugnayd xafiiskiisa.
Barnaamij dokumiintari ah oo ay baahisay hay’adda BBC-da sanadkii 2024, ayuu Gilmore ku qirtay in magaca Mayo uu ku jiray “liiska dadka la dili rabay”.
Mayo ayaa tan iyo xilligaas sheegay inuu weli la il daran yahay “dhibaatooyin maskaxeed iyo shucuureed” oo ka dhashay isku-daygaas, wuxuuna haatan masaafuris ahaan ugu nool yahay dalka Sacuudi Carabiya, halka xaaskiisa iyo labadiisa carruurta ah ay weli ku harsan yihiin Yemen.
Isku-daygii la doonayay in lagu khaarajiyo Mayo ayaa dhaliyay hirar dilal qorsheysan ah oo ka dhacay Yemen intii u dhaxeysay 2015 ilaa 2018. Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Reprieve ayaa baaritaan ku sameysay ilaa 160 dil oo dhacay mudadaas, waxayna ogaatay in 23 qof oo kaliya ay ahaayeen dad xiriir la lahaa ururo argagixiso.
Shaqaaleysiinta xubnaha Al-Qaacida
Dowladda Imaaraadka ayaa gaashaanka u daruurtay eedeymaha ku saabsan inay bartilmaameedsatay shaqsiyaad aan xiriir la lahayn argagixisanimada, waxayna ku andacootay in howlgalladeeda la dagaalanka argagixisada ay ku fulisay codsi uga yimid dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay.
Si kastaba ha ahaatee, baaritaankii BBC-da ayaa lagu ogaaday in calooshood-u-shaqeystayaasha Mareykanka ka sokow, ay Imaaraadku qorteen xubno hore uga tirsanaan jiray ururka Al-Qaacida, si ay gacan uga geystaan amniga koonfurta Yemen.
Xog-ogaal ayaa magacyada 11 xubnood oo hore uga tirsanaa Al-Qaacida u gudbiyay BBC-da, kuwaas oo la sheegay in loo shaqaaleysiiyay inay la shaqeeyaan Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC) oo gacan-saar la leh Imaaraadka. STC way iska fogeysay eedeymahan.
Imaaraadka iyo xisbiga Al-Islah ayaa isku dhinac ka ahaa dagaalka Yemen markii uu billowday sanadkii 2015-kii, iyagoo si wada jir ah ula dagaalamayay dhaq-dhaqaaqa Xuutiyiinta (Ansar Allah). Balse xiriirka labada dhinac ayaa si weyn u xumaaday bishii Oktoobar 2017, markaas oo ay isku dhacyo hubeysan ka dhex qarxeen Al-Islah iyo maleeshiyaadka daacadda u ah Imaaraadka ee ku sugan magaalada Cadan.
