Kismayo (Adduun.com) – Sanator Ilyaas Beddal Gaboose oo dhawaan uu sii daayay Madaxweynaha Jubbaland oo uu muddo u xirnaa ayaa maanta ka dhoofay garoonka magaalada Kismaayo, isaga oo kusii jeeda dalka Kenya.
Gaboose oo shir jaraa’iid qabtay ayaa shaacay in xaalad caafimaad uu ugu baxay magaalda Nairobi, isla markaana maalmo kadib uu soo laaban doono.
“Waxaan hadda anigu caafimaad ku gaarayaa magaalada Nairobi waxaan ku maqnaanayaa muddo laba todobaad ah kadibna waa soo noqonayaa” ayuu yiri Senator Ilyaas Beddal Gaboose.
Sidoo kale, wuxuu ka warbixiyay wada-hadalladii iyo heshiiskii uu la galay Axmed Madoobe, isaga oo sheegay in ugu dambeyn la soo afjaray khilaafkii jiray, laguna balamay in laga wada shaqeeyo horumarka dowladda Jubbaland.
Waxaa kle oo uu carrabka ku adkeeyay in waqtigan ay reer Jubaland si gaar ah ugu baahan yihiin midnimo iyo wadajir, isaga oo xusay in horumarka iyo xasilloonida lagu gaari karo oo keliya isu-tanaasul iyo iskaashi dhab ah.
“Aniga iyo Axmed Madoobe khilafkii naga dhexeeyay waan ka heshiinay, waxaana ka wada-hadalnay inaan ka wada shaqeyno maslaxada Jubbaland” ayuu mar kale yiri Senatorku.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay lagama maarmaan tahay inay isku tanaasulaan, una midoobaan gurmadka abaaraha iyo qadiyadaha kale ee waaweyn ee horyaalla dalkeenna.
Ilyaas Gaboose ayaa dhibane u noqday Axmed Madoobe, tan iyo daba-yaaqadii November ee sanadkii 2024 oo uu doorasho ku qabsaday magaalada Kismaayo, taas oo ay ka horyimadeen isaga iyo xubnaha kale ee mucaaradka, iyaga oo kadib qabsaday doorasho kale oo ay sheegeen in madaxweyne loogu doortay Senator Ilyaas Beddel Gaboose, balse la xiray.
Si kastaba, Jubbaland ayaa haatan galeysa marxalad cusub, waxaana dhinaca kale jira wada-hadallo ay qayb ka tahay oo la filayo inay galaan DFS iyo Golaha Mustaqbalka.
SIRDOON & QISO
Qisada Ninkii Siliga ku dilay Xaaskiisa | Qisadeena Labaad
SIRDOON & QISO
Taxanaha Basaaskii Carbeed Adam Sabri (Qeybta-23)
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
SIRDOON & QISO
Basaaskii ahaa Injineerka Tubooyinka & Bulaacadaha
SIRDOON & QISO
Qisada Ninkii Siliga ku dilay Xaaskiisa | Qisadeena Labaad
SIRDOON & QISO
Taxanaha Basaaskii Carbeed Adam Sabri (Qeybta-23)
SIRDOON & QISO
Taxanaha Basaaskii Carbeed Adam Sabri (Qeybta 22)
SIRDOON & QISO
Taxanaha Basaaskii Carbeed Adam Sabri (Q-21)