Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Iiraan oo iska fogeysay gantaalkii lagu weeraray Turkiga - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Iiraan oo iska fogeysay gantaalkii lagu weeraray Turkiga


Ankara (Adduun.com) Ciidamada Qalabka Sida ee Iiraan ayaa si adag u beeniyay eedeymo sheegaya inay gantaal ku rideen gudaha dhulka Turkiga, iyagoo ku adkeystay inay si buuxda u ixtiraamayaan madax-bannaanida iyo bedqabka xukuumadda Ankara, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay warbaahinta dowladda.

Hadalkan kasoo baxay xukuumadda Tehran Khamiista ayaa daba socda war-saxaafadeed ay Arbacadii baahisay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, taas oo lagu shaaciyay in gantaal nooca riddada dheer ee ballistic-ga ah oo laga soo riday Iiraan, soona maray hawada dalalka Suuriya iyo Ciraaq, ay nidaamyada difaaca gantaallada ee isbaheysiga NATO ku bur-buriyeen hawada sare ee badda Mediterranean).

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga bartilmaameedka rasmiga ah ee uu gantaalkaas ku wajahnaa.

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa xaqiijisay in gantaalkan si xirfadaysan oo waqtigiisa ku habboon dhexda looga qabtay, lana fashiliyay ka hor inta uusan soo gelin hawada Turkiga.

Wasaaraddu waxay xustay inaanu jirin wax khasaare nafeed ama mid hantiyeed oo ka dhashay dhacdadan, balse waxay bixisay digniin culus oo ah in Ankara ay xaq u leedahay inay ka jawaabto tallaabo kasta oo cadaawad xambaarsan, iyadoo dhinacyada dagaallamaya ugu baaqday inay ka fogaadaan sii hurinta colaadda gobolka.

Diidmada Iiraan ayaa imaneysa ayada oo dhowaan ay soo baxeen warar sheegaya in Israa’iil ay ka dambeysay qaar ka mid ah gantaalladii lagu garaacay dalalka Carabta, ee lagu tuhmayey Iiraan, taasi oo lagu sheegay isku day ay dalalka carabta ugu soo biirineyso dagaalka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo xalay khudbad xasaasi ah u jeediyay shacabkiisa, ayaa sheegay in dalkiisu uu qaadayo “dhammaan tallaabooyinka taxaddarka ah ee lagama maarmaanka ah” isagoo la tashanaya xulafadiisa NATO. Wuxuu xusay inay bixinayaan digniino aad u cadcad si looga hortago in shilal noocan ah ay dib u dhacaan.

“Haddii aan, shacab ahaan, doonayno inaan ku noolaano nabad iyo xasilooni… waa inaan si joogto ah u kordhinaa awooddeena is-xakameynta iyo is-difaacidda. Waqtiyadan adag… waxba uma deyneyno nasiib marka ay timaado amniga xuduudaheenna iyo hawadeena,” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Dhanka diblomaasiyadda, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa khadka taleefanka u gudbiyay dhiggiisa Iiraan cabasho adag iyo diidmada xukuumadda Ankara, sida ay tebisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Afhayeenka isbaheysiga NATO, Allison Hart, ayaa dhankeeda si kulul u cambaareysay tallaabada Iiraan ay ku bartilmaameedsatay Turkiga, iyadoo xaqiijisay in isbaheysigu uu si adag u garab taagan yahay dhammaan xulafadiisa, oo ay ku jirto xukuumadda Ankara. Waxay carabka ku adkeysay in awoodda is-difaacidda ee isbaheysigu ay tahay mid adag marka ay timaado difaaca cirka iyo gantaallada.

Dhanka kale, Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa meesha ka saaray in bur-burinta gantaalkan ay toos u dhaqan-gelinayso Qodobka 5-aad ee isbaheysiga NATO, kaas oo dhigaya in weerar lagu qaado hal xubin oo ka tirsan isbaheysiga uu la mid yahay weerar lagu qaaday dhammaan xubnaha, isagoo sheegay in arrintan aysan hadda gaarsiisnayn heerkii aargoosi wadajir ah.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Saldhigga Cirka ee Incirlik ee ku yaalla koonfurta Turkiga uu yahay xarun istaraatiijiyadeed oo muhiim ah oo ay isticmaalaan ciidamada shisheeye, gaar ahaan kuwa Mareykanka iyo xulafada kale ee NATO.

Saldhiggan oo hoos yimaada taliska ciidamada cirka ee Turkiga, balse u shaqeeya qaab saldhig wadajir ah oo ay leeyihiin Turkiga iyo Mareykanka, ayaa door taariikhi ah kasoo qaatay hawlgaladii milateri ee gobolka.

 Wuxuu xudun saadka iyo taageerada cirka ah u ahaa hawlgaladii Mareykanku hoggaaminayay ee Ciraaq xilligii Dagaalkii Khaliijka ee 1991-kii, iyo sidoo kale hawlgaladii la-dagaalanka kooxda Daacish (ISIS) ee sanadkii 2014-kii, in kasta oo Turkigu uu horey u diiday in Mareykanku uu saldhiggan u adeegsado duulaankii Ciraaq ee sanadkii 2003-dii.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard