Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Horjoogihii qorsheeyay weerarkii Al-Shabaab ee godka Jilacow oo xalay… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Horjoogihii qorsheeyay weerarkii Al-Shabaab ee godka Jilacow oo xalay…


Muqdisho (Adduun.com) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan ku dilay horjoogihii qorsheeyay weerarkii Al-Shabaab ee godka Jilacow.

Howl-galkan ayaa xalay ka dhacay deegaanka Hantiwadaag oo hoostaga Degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay xaqiijisay hay’adda NISA.

Horjoogaha la dilay oo adeegsan jiray magacyada Kamaaludiin Yuunis Maxamed, Saalim Nuur Sheekh Cabdiraxiim, Caraale iyo Cabdullaahi Xasan Cali ayaa sidoo kale ahaa maskaxdii iyo isku-duwihii weerarro argagixiso oo sababay dhimashada shacab, saraakiil iyo ciidamo ka tirsan hay’adaha amniga Qaranka.

Ninkan ayaa ahaa hagaha shabakaddii fulisay weerarkii Godka Jilcaow (4 October, 2025), weerarkii naftii-halignimo ee Kulliyadda Jaalle Siyaad (09 July, 2025), iyo weerarkii Dugsiga Tababarka General Dhega-Badan – Xero Nacnac (10 December, 2025).

Horjoogahan ayaa waxa uu si toos ah u maamuli jiray shabakadihii fulin jiray falalka argagixiso.

Howlgalka xalay ayey NISA sheegtay inuu ahaa mid loogu aargudayay dhiigga shacabka, saraakiisha iyo ciidamada ku naf waayay weerarradii argagixiso.

Daba-galka horjoogahan ayaa waxay qaadatay in ka badan 150 maalmood, iyadoo si gaar ah loo ilaaliyay badqabka shacabka, maadaama la sheegay inuu gabaad ka dhigan jiray goobo rayidku ku badan yihiin, gaar ahaan deegaannada Mubaarak, Ugunji, Daarusalaam, Hantiwadaag, Kurtunwaarey iyo Gendershe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Beegsiga lagu burburinayo shabakadaha argagixisada iyo horjoogeyaashooda waa ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo amni buuxa iyo xasillooni waarta oo dalka oo dhan ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda NISA.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “God iyo gabaad kasta oo ay galaan dhagar-qabeyaasha Khawaarijta gumaceennu wuu ugu galayaa.”

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard