Baydhaba (Adduun.com) – Hoggaamiyaha kumeel-gaarka ah ee maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta sameeyay magacaabistiisii ugu horreysay tan iyo markii loo magacaabay maamulkaas.
Jabriil Cabdirashiid Xaaji oo wareegto soo saaray ayaa Cali Cabdulaahi Isaaq u magacaabay agaasimaha guud ee Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.
Wareegtadan ayaa lagu shaaciyay bogga rasmiga ah ee maamulka, kaas oo uu hadda gacanta usoo galay maamulka, sida muuqata.

Dhanka kale, hoggaamiye Jibriil oo ay dhawaan magacowday dowladda Soomaaliya ayaa weli wada kulamo gaar gaar ah, isaga oo xalay la kulmay qaar ka mid ah odeyaasha dhaqanka Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta nabadda iyo wadajirka bulshada.
Ujeedka kulankaas ayaa ahaa dardargelinta dadaallada nabadaynta, iyadoo hoggaamiyuhu uu odeyaasha kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin ilaalinta xasilloonida iyo dib-u-heshiisiinta bulshada dhexdeeda.
Sidoo kale Jabriil oo madasha ka hadlay ayaa adkeeyay in Koonfur Galbeed ay mudnaan gaar ah siinayso nabadda iyo wada noolaanshaha shacabka.
Dhankooda odeyaasha dhaqanka ayaa soo dhaweeyay kulanka, iyagoo ballanqaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan maamulka si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar laga gaaro deegaanka.
Si kastaba ha’ahaateen magaalada Baydhaba waxay haatan martigelineysaa madax culus oo ay kamid yihiin madaxweyne Xasan Sheekh, guddoomiyaa baarlamaanka, xidhibaanno, wasiirro, saraakiil iyo ciidamo badan oo loo daad-gureeyay magaaladaas, waxaana haatan soconayo kulamo wada tasho ah.
