Baydhabo (Adduun.com) – Hoggaamiyaha KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha degmada Baydhabo, ahna Duqa magaalada, Cabdullaahi Cali Watiin, oo maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha maamulka degmada Baydhabo, gaar ahaan dhinacyada amniga, adeegyada bulshada iyo horumarinta bilicda magaalada.
Hoggaamiye Jibriil ayaa faray Guddoomiyaha degmada Baydhabo inuu laba jibbaaro dadaallada lagu xoojinayo maamulka iyo adeegyada muhiimka u ah shacabka.
Kulankan waxaa sidoo kale ka qeyb galay Xildhibaan Maxamed Keerow iyo Xildhibaan Maryan Macalin oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Labada xildhibaan ayaa iyaguna adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn buuxda oo dhex marta hay’adaha kala duwan ee dowladda, si loo xaqiijiyo horumar waara oo ka hirgala degmada.
Si kastaba, kulankan ayaa imanaya xilli dowladda ay magaalada Baydhabo ka dhaqan-gelisay bandow habeenkii ah, kaas oo saameynaya dhaq-dhaqaaqa shacabka inta lagu jiro saacadaha habeenkii, isla markaana lagu xoojinayo sugidda amniga iyo xasilloonida magaalada.
Sidoo kale, dowladda ayaa mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalada, taas oo la sheegay inay qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo lagu adkeynayo amniga Baydhabo, gaar ahaan xilligan ay magaalada ka socdaan kulamo siyaasadeed oo muhiim ah.
Shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo ayaa loogu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, isla markaana ay ka fogaadaan qaadashada hubka sharci darrada ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada, xasilloonida iyo kala dambeynta magaalada.





