Baydhabo (Adduun.com) – Hoggaamiyaha KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa caawa soo saaray xeer uu ku magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha ee maamulkaasi.
Xeerkan oo summadiisu tahay LR: 167, kuna taariikheysan 08 April 2026, ayaa lagu magacaabay Maxamed Xuseen Xasan (John) inuu noqdo Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Hoggaamiyaha ayaa sheegay in magacaabistan ay ku timid kadib markii uu tixgeliyay baahida loo qabo dar-dargelinta howlaha amniga iyo xoojinta waajibaadka Wasaaradda Amniga Gudaha, iyadoo la eegayo xaaladda amni ee deegaannada maamulka.
Sidoo kale, wareegtada ayaa lagu sheegay in magacaabistan lagu saleeyay dastuurka dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan qodobbo muhiim ah oo siinaya hoggaamiyaha awoodda magacaabista xubnaha golaha wasiirrada.
Hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in la helo hoggaan wax ku ool ah oo la wareega mas’uuliyadda sugidda amniga, si loo xoojiyo xasilloonida iyo kala dambeynta guud ee deegaannada Koonfur Galbeed.
Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha, Maxamed Xuseen Xasan (John) ayaa la filayaa inuu si degdeg ah ula wareego xilka loo igmaday.
Si kastaba, Jibriil Cabdirashiid ayaa hore loogu soo magacaabay hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed wareegto kasoo baxday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, iyadoo weli uu taagan yahay muranka sharciyeed ee la xiriira magacaabistiisa.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan awood milatari kula wareegtay maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo uu meesha ka baxay maamulkii Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), oo sheegay inuu is-casilay kadib markii lagala wareegay Baydhabo oo ahayd xaruntii ugu dambeysay ee gacantiisa ku jirtay.
Sida ay tan iyo markaas Dowladda Federaalka u maamuleyso Koonfur Galbeed ayaa muujinaysa in awooddii dowlad-goboleedkan si weyn loo wiiqay, isla markaana si toos ah loogu hoos geeyay dowladda dhexe, taas oo haatan waddo qaban-qaabada doorashooyin qof iyo cod ah oo lagu soo dooranayo hoggaanka cusub ee maamulka.

