Sanca (Adduun.com) – Faah-faahin iyo macluumaad dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dilka hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo lagu dilay duqeyn bartilmaameed ahayd oo laga fuliyay dalka Yemen.
Hoggaamiyaha la dilay waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdiqaadir Yaxye Cali, (Al Zabidi), kaas oo ka tirsanaa Al-Shabaab, una joogay dalka Yemen.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ninkan oo asalkiisa Soomaali yahay uu qaabilsanaa isku xirka Xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, isaga oo sidoo kale lagu eedeeyay inuu hubka u kala gudbin jiray labada koox.
Xogta ayaa sidoo kale sheegeysa in Cabdiqaadir Yaxye uu ka tirsanaa shabakad ku howlan soo gudbinta hubka, walxaha qarxa iyo kuwa kale ee kala duwan oo u kala gooshaYemen, Soomaaliya iyo dalal kale oo aan la shaacin.
Cabdiqaadir ayaa haysta baasaboorka Yemen, waxaana la sheegay in loogu sameeyay magaalada Sanca oo ay maamulaan Xuutiyiinta, sida ku cad xogta baasaboorkiisa oo la baahiyay.
Xuutiyiinta ayaa xiriir toos ah la laleh Al-Shabaab, oo ah koox xagjir ah oo fadhigeedu yahay gudaha Soomaaliya, waxayna arrintaas sii kordhineysa walaaca ku saabsan iskaashiga mintidiinta ee ka gudba xuduudaha ee gobolka.
Falanqeeyeyaasha amniga waxay aaminsan yihiin in iskaashigan uu ku jiri karo kala wareejinta hubka, is-dhaafsiga tababarrada, iyo wadaagista sirdoonka badda, gaar ahaan iyadoo labada kooxood ay doonayaan inay ballaariyaan saameyntooda ayna carqaladeeyaan waddooyinka maraakiibta ganacsiga iyo kuwa militariga.
Dilkan ayaaa imaanaya iyada oo horay loo shaaciyay in Al-Shabaab ay xubno u dirsadeen Yemen, kuwaas oo tababar lagu soo siisay Xudeydaha oo ka tirsan dalkaasi.

SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
